Immis Ciyaartoy Ayaa Ka Dhaawacmay Kooxdaada? Tirada Ciyaartoyda Ka Dhaawacmay Koox Walba Oo Premier League Ah Oo La Shaaciyey


Liverpool iyo Manchester United ayay ragaadiyeen dhaawacyo tiro badan xilli-ciyaareedkan, waxaanay saamayn ku yeesheen natiijooyinkooda, inkasta oo kooxda tababare Jurgen Klopp ay awood u yeelatay inay sii hayso hoggaanka horyaalka Premier League.

Erik ten Hag oo hore ay dhaawacyada kooxdiisu sabab ugu noqdeen inay qaabka lumiso, ayaa dhowaanahan sare usoo kacaysay oo natiijooyin wanaagsan ka keenaysay horyaalka Premier League ka hor ciyaartii Fulham iyo tartanka FA Cup oo ay iska xaadiriyeen wareegga siddeedda.

Telefishanka Sky Sports oo qiimayn ku sameeyey dhaawacyada horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan, ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in Newcastle ay tahay kooxda dhaawacyada ugu badan ay soo gaadheen ciyaartoydiisa.

Tababare Eddie Howe ayaa waxa kooxdiisa soo gaadhay 29 ;dhaawac oo kala duwan, kuwaas oo isugeyn ka maqnaa garoomada 1,333 maalmood laga soo bilaabo August 11 oo uu horyaalku bilowday. Waxa xiddigaha ay waayeen ee ka dhaawacmay ka mid ahaa Harvey Barnes, Sven Botman, Nick Pope, Jacob Murphy, Elliot Anderson, Matt Targett, Joe Willock, Callum Wilson iyo Joelinton oo muddooyin dhaadheer ka maqnaa garoomada.

Manchester United iyo Brighton ayaa iyagana min 28 dhaawac diiwaangeliyey xilli-ciyaareedkan, iyadoo Man United ay ciyaarta usbuucan ee Man City waayi doonto weeraryahankeeda qaabka fiican ku jiray ee Rasmus Hojlund.

Tottenham, Nottingham Forest, Liverpool, Crystal Palace iyo Chelsea ayaa iyaguna min 27 dhaawac u diray dhakhaatiirta oo waqti ku qaatay daaweyntooda.

Halkan kaga bogo tirada dhaawacyada koox walba oo Premier League ah

Newcastle – 29

Brighton – 28

Man United – 28

Chelsea – 27

Crystal Palace – 27

Liverpool – 27

Nottingham Forest – 27

Tottenham – 27

Aston Villa – 24

Luton Town – 24

Burnley – 23

Sheffield United – 23

Everton – 22

Brentford – 20

Arsenal – 19

Fulham – 19

Man City – 19

Bournemouth – 16

Wolves – 13

West Ham – 13

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*