TOP 10: Tobanka Ciyaartoy Ee Ugu Qiimaha Badan Kubadda Cagta Waqtigan Oo La Shaaciyey


Tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaha badan adduunyada waqtigan ayaa la magacaabay iyagoo lagu sameeyey qiimayn la xidhiidha mid walba heerka uu ka joogo suuqyada iibka ciyaartoyda waqtigan.

Xiddiga Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa figta sare u baxay oo noqday ciyaartoyga waqtigan ugu qiimaha badan adduunyada, waxaana uu marayaa €140.1 milyan oo Euro, sida ay shaacisay shabakadda qiimaynta suuqa kubadda cagta ee Football Transfers.

Laacibkan oo xilli-ciyaareedkan u dhaliyey Real Madrid 20 gool oo dhamaan tartamada ah, ayaa waxa uu ka mid noqday shan ciyaartoy oo Ingiriis ah oo tobanka ugu sarreeya ku jira.

Harry Kane oo ku biiray Bayern Munich xagaagii tegay, Bukayo Saka, Phil Foden iyo Declan Rice oo Arsenal ay xagaagii kasoo iibsatay West Ham ayaa sidoo kale ka mid noqday tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaha badan suuqyada iibka ciyaartoyda.

Kane iyo Saka ayaa qiimeyaashoodu kala yihiin €108.5 milyan oo Euro iyo €100 milyan oo Euro, sida ay u kala horreeyaan, halka Phil Foden iyo Rice ay kala marayaan min €93.6 milyan oo Euro iyo €91.9 milyan oo Euro.

Jude Bellingham oo kaalinta koowaad ku jira, ayaa waxa kusoo xiga Erling Haaland iyo Kylian Mbappe oo labaad iyo saddexaad kala fadhiya oo qiimayntooda suuqu tahay €135.1 milyan oo Euro iyo €122.5 milyan oo Euro.

Halkan kaga bogo tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaha badan kubadda cagta waqtigan

  1. Jude Bellingham (Real Madrid) – €140.1 milyan oo Euro
  2. Erling Haaland (Manchester City) – €135.1 milyan oo Euro
  3. Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain) – €122.5 milyan oo Euro
  4. Harry Kane (Bayern Munich) – €108.5 milyan oo Euro
  5. Bukayo Saka (Arsenal) – €100 milyan oo Euro
  6. Vinicius Junior (Real Madrid) – €96.2 milyan oo Euro
  7. Jamal Musiala (Bayern Munich) – €94.6 milyan oo Euro
  8. Phil Foden (Manchester City) – €93.6 milyan oo Euro
  9. Declan Rice (Arsenal) – €91.9 milyan oo Euro
  10. Gavi (Barcelona) – €83.5 milyan oo Euro

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*