Xiriirka Rashford Iyo Erik ten Hag Oo Gaaray Meeshii Ugu Xumeyd


Erik ten Hag iyo Marcus Rashford ayaa hadalkii kala goostay iyadoo cadaadiska uu ku sii kordhayo tababaraha Manchester United sida ay qortay jariirada The Sun.

Ten Hag ayaa si weyn uga carooday in Rashford uu caweys aaday xilli danbe oo habeen ah iyadoo subixii laga sugayay tababarka bishii la soo dhaafay.

Tababaraha ayaa sidoo kale dareemay in ciyaaryahanka uu been u sheegay madaama uu sheegtay in uu caweyska aaday 24 saacadood ka hor waqtigii saxda ahaa ee uu aaday.

Rashford ayaa u sheegay kooxda inuu xanuunsanayo 26kii Janaayo, kaliya 48 saacadood ka hor iyadoo Man United ay la ciyaareysay Newport County koobka FA Cup.

Laakiin waxaa gadaal danbe laga ogaaday in ciyaaryahanka uusan xanuunsaneyn balse uu khamri ku cabayay baararka Belfast ka hor inta uusan diyaarad qaas ah u soo qaadanin Manchester.

Ten Hag ayaa si weyn uga carooday islamarkaana sharaxaad ka dalbaday Rashford.

Laakiin sida ay The Sun sheegtay xiriirka u dhaxeeya tababaraha iyo ciyaaryahanka ma ahan mid hagaagsan inkastoo Ten Hag uu saxaafada ka sheegay in dhacdadaas la xaliyay.

Shaqaalaha kooxda ayaa ka walaacsan in xiriirka tababaraha iyo ciyaaryahanka uu gabi ahaanba noqday mid burburay oo aan ka soo laabasho laheyn, iyadoo Rashford uu ku dhibtoonayo inuu shabaqa soo taabto inkastoo uu 30 gool dhaliyay xilli ciyaareedkii hore.

Waxay sheegeen in labada nin aysan inta badan wadahadlin islamarkaana xiriirkooda uu noqday mid joogsaday. Sababta kaliya ee uu Rashford u ciyaarayana ay tahay dhaawaca Rasmus Hojlund iyadoo Ten Hag uusan heysan doorasho kale oo aan ka aheyn inuu Rashford No.9 ka ciyaarsiiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*