Jurgen Klopp Oo Si Waali Ah U Daawado Horyaal Aan Aheyn Midka Premier League


Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa qirtay inuu daawado horyaal kale in ka badan inta uu daawado horyaalka uu tababaraha ka yahay ee Premier League.

56-sano jirkaan ayaa Reds tababare u ahaa tan iyo bishii October 2015, wuxuuna ka tagi doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Waxa uu xaqiijiyay inuu xilli ciyaareedkiisa ugu danbeeya ku baxayo isagoo koob qaaday ka dib markii uu ku guuleystay Carabao Cup oo ay la ciyaareen Chelsea axadii, wuxuuna koobkaan ku tilmaamay midkiisii ugu muhiimsanaa.

Dareenkiisa wuxu haatan u weecinayaa FA Cup-ka, iyadoo Liverpool ay Arbacada Anfield ku martigelineyso Southampton.

Kahor kulanka caawa, Klopp ayaa shaaca ka qaaday inuu aad u daawado horyaalka heerka labaad ee Ingariiska.

Markii uu ahaa ciyaaryahan, Klopp wuxuu waqtigiisa inta badan ku qaatay horyaalka heerka labaad ee Jarmalka, wuxuuna ku tilmaamay horyaalka Championship-ka mid cajiib ah isagoo ku amaanay xamaasada uu horyaalka leeyahay, wuxuuna si gaar ah u xusay Leeds, Leicester, West Brom iyo kooxda ay la ciyaarayaan ee Southampton.

Waxa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay: “Waan jeclahay Championship-ka, in badan ayaan daawadaa, waxa aan daawaday todobaadkii hore Leeds vs Leicester. Wow. Kubadda cagta xamaasada leh ee ay ciyaarayaan iyo xawliga ay ku socoto waa mid waali ah.

“Waxaan arkay West Brom oo ciyaaraysa dhawaan, kubad la yaqaano ayay ciyaarayaan. Leciester iyo Southampton iyagana waa la mid.

“Horyaalka waa mid cajiib ah, aad ayuu u adag yahay, waxaan heysanaa kulamo badan oo Premier League ah, laakiin Championship-ka ayaa inaga soo kulamo badan. Waa wax cajiib ah waxa halkaas ka socda.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*