Manchester City ayaa ku maadeysatay xiddigeedii hore Cole Palmer ka dib ciyaartii finalka Carabao Cup, waxayna taasi ka careysiisay taageerayaasha qaar.
Shalay oo Axad aheyd Chelsea ayaa guuldarro 1-0 ay ka soo gaartay Liverpool finalka Carabao Cup iyadoo Van Dijk uu dhaliyay goolka guusha daqiiqadii 118aad.
Cole Palmer ayaa ahaa xiddiga kaliya ee ka dhex muuqday ciyaarta marka loo eego xiddigaha kale ee Chelsea oo daal uu ka muuqday waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta.
21 jirkaan ayaa wacdarro ka dhigaya Stamford Bridge tan iyo markii uu 40 milyan ginni uga soo wareegay Manchester City xagaagii la soo dhaafay.
Palmer ayaa muteystay naaneesta ah “Cold Palmer” (Palmer-kii qaboobaa), taasoo loola jeedo sida uu u degan yahay marka uu ciyaarayo inkastoo uu yahay xiddig da’ yar.
Xitaa waxa uu sameystay dabaaldeg uu ku muujinayo naaneystiisa cusub isagoo gacmaha is weydaariya islamarkaana iska dhiga mid dhaxmoonaya.
Dabaaldegiisa ayayna Manchester City ku maadeysatay 20 daqiiqo ka dib markii ay soo dhamaatay ciyaartii finalka Carabao Cup.
Waxay Twitter soo dhigeen sawirka Phil Foden oo ku jira qolka qabow ee loogu talogalay soo kabsashada isagoo sameynaya sida uu sameeyo Palmer oo ah inay dhaxan heyso.
🥶🥶🥶 pic.twitter.com/n8XlHZc5LK
— Manchester City (@ManCity) February 25, 2024
Taageerayaasha ayaana ka falceliyay sawirkooda iyo sida ay ugu maadeysanayaan xiddigii ka soo qalin jabiyay akadeemigooda.
“Ma waxaad haatan ku maadeysaneysaan Palmer” ayuu taageere u qoray City, halka kale uu yiri: “Waan idiin aragnaa waxa aad sameyseen, waxaad karineysaa Palmer.”
“City waxay ku maadeysaneysaa xiddigii akadeemigooda ka soo baxay ee Cole Palmer” ayuu mid kale soo qoray.
Halka taageere kale uu yiri: “Ma waxaad ku maadeysaneysaan 20 jir? waa ceeb weyn.” Halka taageere kale uu soo qoray: “Wiilkiina ayaad ku maadeysaneysaan xishood yeesha.”
Be the first to comment