Luka Modric Oo Jidka Guusha Kusoo Celiyey Real Madrid Kulan Uu Dhaawac Ku Baxay Garsoorihii Ciyaarta Hayey


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa kusoo laabatay jidka guusha horyaalka Spain ee LaLiga, kaddib markii ay 1-0 kaga adkaadeen Sevilla oo marti ugu ahayd Santiago Bernabeu, taas oo kulankii ka horreeyey ay barbarro wada wada galeen Rayo Vallecano.

Gool bannaanka uu ka toogtay Luka Modric dhamaadka ciyaarta oo ay sagaal daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayaa Real Madrid siiyey fursad ay mar kale siddeed dhibcood ku qabato hoggaanka horyaalka oo waqti horeba ay u muuqdaan inay ku guuleysanayaan.

Ciyaartan oo ay fursado badan iska lumiyeen ciyaartoyda Real Madrid, ayaa waxa xiise gaar ah u yeelay Sergio Ramos oo dib ugu soo laabtay garoonka Santiago Bernabeu ee uu muddada halbowlaha ka ahaa, kaas oo ay jamaahiirtuna si diirran ugu soo dhoweeyeen.

Rodrygo Goes iyo Vinicius Junior ayaa goolal caddaan ahaa ka lumiyey kooxdooda markii ay shabaqa la seegeen kubbado ay la galeen xerada ganaaxa oo ay shabaqa ku toogteen, waxaana halgan adag la galay goolhaye Nyland.

Fede Valverde ayaa gantaal uu goolka ku toogtay waxa faro-ciddidood ku badbaadiyey Goolhaye Nyland, waxyar kaddibna waxa uu kubbad halis ahayd ka qabtay Vinicius Junior oo isaga oo dhawr tallaabo u jira goolka ku toogtay lugta bidix.

Real Madrid ayay nasiib-darro ku dhacday oo gool uu khilaaf ka dhashay oo uu u dhaliyey Lucas Vazquez ay ka diidday VAR, kaddib markii ay ku doodday in Nacho uu qalad ku galay ciyaartoy kale markii ay kubadda soo dhisaysay Los Blancos.

Khubarada ciyaaraha ee telefishanka beIN Sports ee ciyaarta daadihinayey, ayaa isku raacay in goolkaas aan sinaba lagu diideen haddii uu ka dhalan lahaa horyaalka Premier League, laakiin horyaalka Spain ay ka jiraan dhalliilo dhinaca garsoorka ah.

Valverde ayaa kubbad uu goolka hortiisa ka helay waxa uu dhinaca ka dhigay goolhayaha, laakiin nasiib-darro waxa ay kaga dhacday birta, halka Rodrygo uu birta dhinac mariyey kubbad uu garabka midig kala soo galay.

Luka Modric ayaa beddel kusoo galay daqiiqaddii 75aad, iyadoo uu ciyaarta ka baxay Nacho Fernandez, hase yeeshee lix daqiiqadood markii uu garoonka ku jiray ayuu dhaliyey gool qurux badan oo saddexda dhibcood u go’aamiyey kooxdiisa.

Natiijadan ayaa ka dhigan, in Real Madrid ay hoggaanka horyaalka LaLiga ku hayso 65 dhibcood, waxaanay siddeed dhibcood ka horreysaa Barcelona oo labaad ku jirta oo haysata 67 dhibcood, halka Girona oo Isniinta ciyaaraysa ay haysato 56 dhibcood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*