Liverpool Oo War Xun Ka Heshay Xabi Alonso Iyo Labo Tababare Kale Oo U Sharaxan Bedelka Jurgen Klopp


Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay calaamadsatay laba tababare kale oo u dhigma Xabi Alonso iyadoo ay wali sii socoto raadinta badalka Jurgen Klopp.

Dabayaaqadii Janaayo kooxda Anfield waxaa gilgilay ku dhawaaqista in Klopp uu tagi doono dhamaadka xilli ciyaareedkan

Tababaraha Jarmalka oo Liverpool la wareegay 2015kii ayaa sheegay inay ka dhamaatay tamartii uu shaqada uu ku sii wadi lahaa islamarkaana uu ka tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Waxay tani keentay inay Liverpool baadigoob u gasho bedelka Jurgen Klopp, waxaana si weyn loola xiriirinayay xiddigoodii hore ahna tababaraha Bayer Leverkusen Xabi Alonso kaasoo sidoo kale lala xiriiriyay inuu Thomas Tuchel ka bedelayo Bayern Munich.

Si kastaba, waxaa la sheegayaa in Xabi Alonso uu sii joogi karo Bayer Leverkusen isagoo sugaya inay soo banaanaato shaqada kooxdiisa hore ee La Liga ka dhisan ee Real Madrid.

Ka dib markii uu warkaan soo baxay, Liverpool ayaa la aaminsan yahay inay calaamadeysatay labo tababare kale oo u dhigma Alonso.

Sida ay sheegeyso Daily Telegraph, Reds ayaa lagu waramayaa inay calaamadeysteen tababaraha Sporting Lisbon Ruben Amorim iyo tababaraha xulka Jarmalka Julian Nagelsmann.

Amorim ayaa ku hogaamiyay Sporting Lisbon inay horyaalka Portugal kula tartanto kooxda Benfica.

Dhanka kale, Nagelsmann ayaa saaran wadadii uu dib ugu dhisi lahaa sumcadiisa ka dib markii ay ceyrisay Bayern Munich bishii Maaro 2003dii.

Nagelsmann ayay sahlan tahay in la helo madaama qandaraaskiisa xulka qaranka Jarmalka uu dhacayo ka dib ciyaaraha Euro 2024.

1 Comment

  1. Been baad isugu sheekeyseen xavi alonso Liverpool ayuu iman doonaa warkaaguna wuu beeneebi doonaa waxaad ku waranto baad weydey

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*