Muxuu Bukayo Saka Ka Yiri Hadalkii Rio Ferdinand Ee Ahaa Inuusan Aheyn Xiddig Weyn?


Bukayo Saka ayaa u jawaabay Rio Ferdinand oo dhawaan sheegay in xiddiga Arsenal uusan aheyn xiddig weyn oo heer caalami ah.

Daaficii hore ee Man United iyo England yaaa dhaleeceyn badan kala kulmay taageerayaasha Arsenal ka dib markii uu sheegay in Saka uusan aheyn xiddig weyn, isagoo yiri: “Weli ma ahan xiddig weyn. Dhageyso, waxaan aaminsanahay in Saka uu yahay xiddig aad u fiican. Waxaan aaminsanahay inuu u baahan yahay nasasiino madaama isagoo da’ yar uu ciyaarayo kulamo aad u badan.

“Waxba kama uusan sameyn Champions League miyaysan aheyn? Waxaan ka hadlayaa wareegyada ad-adag. Saka waa xiddig sarre qalad ha ii fahmina laakiin ma ahan xiddig weyn oo heer calaami ah weli.

Xalay oo Sabti aheyd, Saka ayaa dhaliyay gool cajiib ah kulankii ay 4-1 ku xasuuqeen Newcastle United.

Ciyaarta ka dib, Saka ayaa wareysi siiyay TNT Sports, iyadoo la weydiiyay goolka uu dhaliyay iyo hadalkii Rio Ferdinand ee ku saabsanaa inuusan xiddig weyn aheyn.

Saka ayaa qoslay oo ku jawaabay: “Waxba kama oranayo. Waan ku faraxsanahay gool kale oo aan dhaliyay maanta iyo tan ugu muhiimsan oo ah inaan guuleysanay.

“Maalin walba si adag ayaan u shaqeynayaa, waxaana soo bandhigayaa qaab ciyaareedkeyga ugu fiican. Waxaan heystaa asxaab aad u fiican oo baasas fiican ii dhigaya taasoo i caawineysa.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*