DEG-DEG: Musiibada Dhaawacada Liverpool Oo Xadhka Goosatay Iyo Wixii Ku Dhacay Maanta


Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa weyday laba ciyaartoy oo kale oo dhaawacyo ay ku habsadeen qaybta hore ee ciyaarta Brentford ee tartanka horyaalka Premier League, kuwaas oo midkood laga dhax-qaaday garoonka isaga oo awoodi waayey inuu lugihiisa ku socdo.

Weeraryahanka reer Portugal ee Diogo Jota ayaa garoonka laga dhax-qaaday markii ay waxyeello kasoo gaadhay jilibka, waxaana uu u muuqdaa inuu muddo dheer ka maqnaan doono garoomada.

Tababare Jurgen Klopp ayaa madaxa qabsaday oo murugo iyo sida uu uga naxay dhaawaca soo gaadhay Diogo Jota oo isaga oo dhulka jiifa oo ay lugihiisu fidsan yihiin uu dusha kaga soo dhacay ciyaartoy ka tirsan Brentford, taas oo keentay in ay lugta bidix ka liicdo jilibka, waxaana lagu beddelay Mohamed Salah daqiiqaddii 43aad.

Waxyar ka hor, waxa Liverpool ka baxay xiddiga khadka dhexe ee reer England ee Curtis Jones oo isaguna ka dhaawacmay kuraanta, waxaana garoonka laga saaray daqiiqaddii 33aad iyadoo lagu beddelay Ryan Gravenberch.

Dhaawacyada Diogo Jota iyo Curtis Jones ayaa waxa ay imanayaan iyadoo shalay uu ka dhaawacmay goolhaye Alisson Becker, horena ay u jiifeen Trent Alexander-Arnold, Dominik Szoboszlai iyo Thiago Alcantara.

Liverpool ayaa uu dhaawacani ku yahay jug weyn oo soo gaadhay ka hor finalka Carabao Cup ee Axadda toddobaadka soo socda ay garoonka Wembley Stadium kula ciyaari doonaan Chelsea.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*