QASNAD BUU U DHACAY: Real Madrid Oo €500 Milyan Oo Euro Siinaysa Kylian Mbappe


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa siin doonta xiddiga reer France ee Kylian Mbappe lacag ka badan €500 milyan oo Euro, iyadoo la filayo in laacibkan uu xagaaga soo socda si xor ah ugaga soo wareego Paris SaintGermain.

Mbappe ayaa ku wargeliyey PSG in uu ka tegi doono dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaana dabbaal-deg waqti hore ah sii bilowday Real Madrid oo ah kooxda ugu cadcad ee la filayo inuu tegi doono Kylian Mbappe.

22 jirkan oo hore u qirtay, in illaa carruurnimadiisii uu ku riyoonayey inuu ka ciyaaro garoonka Real Madrid ee Santiago Bernabeu isaga oo xidhan dharka midabka cas ee kooxdan, ayaa waxa uu ugu dambayntii rumaynayaa riyadiisa, isaga oo ka tanaasulay lacago badan oo ay PSG siin lahayd haddii uu sii joogi lahaa Parc des Princes.

Inkasta oo wali aanay Real Madrid iyo Kylian Mbappe heshiis buuxda gaadhin, haddana waxa ay warbaahinta Spain sheegayaan in is-faham guud uu dhax maray dhinacyada oo ay mushaharka iyo tirada sannadaha uu laacibkani saxeexayo ay isla meel-dhigeen.

Wariyaha ciyaaraha Marco Ruiz oo ka tirsan wargeyska AS ayaa sheegay, in Kylian Mbappe uu u saxeexi doono Real Madrid heshiis shan sannadood ah, waxaana muddadaas uu ka qaadan doonaa kooxdiisa cusub ee Real Madrid lacag dhan €500 milyan oo Euro.

Lacagtan ayaa uu wariyuhu sii kala qaad-qaaday sida ay ku bixinayso Madrid, waxaanay iskugu jiri doontaa mushahar iyo gunnooyin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*