Bradley Oo Soo Laabtay, Salah Oo Kaydka Ku Jira Iyo Shaxda Liverpool Ee Kulanka Brentford


Kooxda kubadda cagta Liverpool ayay ciyaartoydeedu ku sugan yihiin garoonka Gtech Community Stadium oo ay marti ugu yihiin Brentford, waxaana Jurgen Klopp uu dib u helay Mohamed Salah oo kaydka fadhiya, halka Conor Bradley uu beddelay Alexander-Arnold oo dhaawac ku maqan.

Xiddiga Masar ee Mohamed Salah oo kasoo laabtay dhaawac kasoo gaadhay ciyaarihii xulka qarankiisa Masar ee Koobka Qaramada Afrika, ayaa rajaynaya inuu beddel kusoo galo.

Jurgen Klopp ayaa laba beddel oo kaliya ku sameeyey shaxdii uu usbuucii hore kusoo garaacay Burnley, waana Ibrahima Konate iyo Conor Bradley oo kusoo bilowday difaaca iyaga oo beddelay Jarrel Quansah iyo Trent Alexander-Arnold.

Weerarka Liverpool ayaa waxa kusoo wada bilowday Darwin Nunez, Diogo Jota iyo Luis Diaz oo ay kadka dhexe ka taageerayaan Alexis Mac Allister, Curtis Jones iyo Wataru Endo, halka difaacana ay ku midaysan yihiin Virgil van Dijk, Ibrahima Konate, Andy Robertson iyo Conor Bradley, iyadoo goolhaye Kelleher uu kusoo bilowday maadaama uu dhaawacan yahay Alisson Becker.

Shaxaha rasmiga ah ee Liverpool vs Brentford

Liverpool XI: Kelleher, Bradley, Van Dijk, Konate, Robertson, Endo, Mac Allister, Jones, Jota, Nunez, Diaz.

Kaydka: Adrian, Gomez, Salah, Gakpo, Elliott, Tsimikas, Gravenberch, McConnell, Quansah.

Brentford XI: Flekken, Roerslev, Collins, Ajer, Mee, Reguilon, Norgaard, Janelt, Jensen, Maupay, Toney.

Kaydka: Strakosha, Wissa, Zanka, Ghoddos, Onyeka, Lewis-Potter, Damsgaard, Baptiste, Yarmoliuk.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*