SHAN Ciyaartoy Oo Muhiim Ah Oo Ka Maqnaanaya Manchester City Kulanka Chelsea Ee Maanta


Pep Guardiola ayaa waayi doona afar ciyaartoy oo kooxdiisa ah kulanka maanta ay garoonka Etihad Stadium ku qaabbilayaan Chelsea, iyadoo Bernardo Silva lagu samayn doono hubin caafimaad daqiiqadaha ugu dambeeya.

Silva ayaa tababarka yimid Jimcihii isaga oo u muuqanayay inuu kasoo kabanayo jug kasoo gaadhay ciyaartii FC Copenhagen ee tartanka Champions League ee Salaasadii, laakiin waxa aan gebi ahaanba wax fursad ah haysanin Jack Grealish oo garoonka laga saaray isaga oo ooyaya, waxaana uu maqnaan doonaa muddo usbuucyo ah.

Mateo Kovacic, Sergio Gomez iyo Josko Gvardiol ayaa dhamaantood ka maqnaa ciyaartii ugu dambaysay waxaanay qabeen dhaawacyo kala duwan. Gvardiol ayaa waxa uu isagu u jiifay dhawrkii usbuuc ee u dambeeyey dhaawac kuraanta ah, hase yeeshee labada kale ayaa kusoo laabtay tababarka, waxaase uu shaki weyni ku jiraa in ciyaarta maanta ay qayb ka noqon doonaan.

Tababare Pep Guardiola oo la hadlay saxaafadda ayaa xaqiijiyey maqnaanshaha Jack Grealish, waxaanu yidhi: “Jack diyaar ma noqon doono, Bernardo-se waxa aanu ku samayn doonaa qiimayn. Kova ugu yaraan waxa uu kusoo laabtay tababarka, Sergio-na wuu soo noqday. Inta kale waxa aad arki doontaan marka aanu nimaadno garoonka.”

Manchester City oo guuleysatay dhamaan 11kii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada, ayaa waxa sugaya imtixaan adag oo ah inay dhaafaan Chelsea oo sannadihii ugu dambeeyey ay si fudud uga adkaanayeen, laakiin hadda uu Mauricio Pochettino u muuqdo inuu kusoo celiyey tubta toosan oo ay kulamadii ugu dambeeyey guulo keenayeen, kaddib bahdilaaddii kaga timid Liverpool iyo Wolves.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*