Dimitar Berbatov Oo Saadaaliyey Waqtiga Shaqada Laga Caydhinayo Mauricho Pochettino


Halyeyga Manchester United ee Dimitar Berbatov ayaa saadaaliyey waqtiga ay Chelsea shaqada ka caydhin doonto tababaraheeda Mauricio Pochettino oo uu cadaadis badan saaran yahay, kaas oo naadigiisu uu ku jiro kaalinta 11aad ee horyaalka Premier League.

Pochettino ayaa markii labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay kooxdiisu guul-darrooyinka kala kulantay Liverpool iyo Wolves, waxa taageereyaasha kooxdu ay ka dalbadeen maamulka kooxda in shaqada laga caydhiyo tababaraha reer Argentina.

Jamaahiirta ayaa ku ooriyey Pochettino iyadoo qaarkoodna ay garoonka iskaga baxeen iyadoo socota ciyaartii Wolves ee Sabtidii ee garoonka Stamford Bridge.

Chelsea waxa ay caawa la ciyaaraysaa Aston Villa kulanka ku-celiska ah ee wareegga afraad iyadoo markii hore ay kusoo kala bixi waayeen ciyaartii hore oo barbarro goolal la’aan ah ku dhamaatay, waxaana Dimitar Berbatov uu rumaysan yahay in ciyaartani ay go’aamin doonto mustaqbalka Pochettino.

“Aniga alyaab iguma noqonayso haddii ay Chelsea erido Mauricio Pochettino.” Ayuu yidhi Dimitar Berbatov, waxaanu sii raaciyey; “Chelsea lacag badan ayay ku kharash garaysay ciyaartooyo, waxay haystaan ciyaartooyo fiican, laakiin haddana waxba uma shaqaynayaan.

“Ciyaartii u dambaysay ee Wolves, markii Chelsea ay khasaaraha ugu xambaarisay 4-2 garoonka Stamford Bridge, waxa soo baxday qaska ugu sarreeya ee garoonka ka dhacaya.

“Waxa aad arki karaysaan Chelsea oo marar badan guul-darraysanaysa oo aan garanaynin wax ay sameeyaan. Dabcan, kooxda oo dhan kama takhalusi karaysaan laakiin marka hore waa in uu tababaruhu tago, Pochettino wuu isku dayay wax kasta sidii uu waqti dheer u joogi lahaa Chelsea, laakiin kubadda cagta casriga ah mulkiileyaasha kooxduna samir uma yeelan karayaan.

“Haddii ay ciyaarta xigta (kulanka Aston Villa) guul-darraystaan, waxay ila tahay in la eryi doono Pochettino.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*