Supercomputer Oo Saadaaliyey Qofka Noqonaya Tababaraha Cusub Ee Liverpool


 

Supercomputer ayaa saadaaliyey in saddex tababare oo hore ugu soo guuleystay Champions League ay ku dagaallami doonaan macallinimada Liverpool ee uu bannaynayo Jurgen Klopp dhamaadka xilli-ciyaareedkan.

Klopp ayaa bishii hore shaaciyey inuu ka tegi doono Liverpool oo uu sagaal sannadood soo maamulayay, waxaana uu kooxda gaadhsiin doonaa inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan socda oo kaliya.

Anfield ayaa waxa uu Klopp yimid sannadkii 2015, waxaana dhamaadka xilli-ciyaareedka u buuxsamaya sagaal sannadood oo iyadoo uu u dagaallamo inuu koobab kusii guuleysto ka hor bixitaankiisa, waxaana hore koobabkii uu ugu qaaday ka mid ahaa Premier League, Champions League iyo FA Cup.

Supercomputer oo isticmaalay qaaciido cusub oo lasoo kordhiyey oo loo yaqaano ‘CoachFinder’, ayaa waxa uu sheegay in ay saddex tababare oo aanu ku jirin Xabi Alonso ay yihiin kuwa ugu cadcad Liverpool.

Waxa kaalinta koowaad ku jira tababaraha xulka Talyaania ee Luciano Spalletti oo 93% uu sheegay inuu noqonayo tababaraha cusub ee Liverpool, inkasta oo bilooyin ka hor loo magacaabay tababaraha xulka dalkiisa.

Spalletti ayaa waxa uu xilli-ciyaareedkii tegay ku guuleystay horyaalka Serie A oo uu u qaaday Napoli oo muddo 33 sannadood ah aan qaadin koobka horyaalka Talyaaniga.

Waxa ku xiga Zinedine Zidnae oo fursaddiisu tahayh 92%, iyadoo halyeyga Real Madrid uu shaqo la’aan ahaa muddo laba sannadood iyo badh ah, kaddib markii uu ka tegay Real Madrid. Waxa uu hore ugu guuleystay saddex Champions League oo xidhiidh ah.

Waxa kaalinta saddexaad uu Supercomputer ku sheegay tababaraha kooxda PSG ee Luis Enrique oo aan la ogeyn inuu ka tegi doono kooxdaas iyo inkale, waxaana macallinkan oo sannadkii 2015 u qaaday Barcelona koobka Champions League ay fursaddiisu tahay 92%.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*