Xaaska Laacib U Dheela Chelsea Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Tababare Pochettino


Xaaska Thiago Silva ee aan hadalka la gaban ayaa ku baaqday in tababaraha Chelsea Mauricio Pochettino la ceyriyo ka dib guuldaradii ceebta aheyd ee ka soo gaartay kooxda Wolves.

Blues ayaa waxaa dhulka ku jiitay kooxda martida u aheyd ee Wolves kuwaasoo afar gool ku dhaliyay garoonka Stamford Bridge.

Ka dib natiijada xun ee Chelsea ay heshay, xaaska Thiago Silva oo lagu magacaabo Belle ayaa Twitter ku soo qortay: “Waxaa la joogaa waqtigii la bedeli lahaa, haddii waqti kale siiso, waxay noqon doontaa mid aan ka gaaris laheyn.”

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay xaaska xiddiga reer Brazil ay ka hadasho arimo la xiriira kubada cagta, iyadoo horay uga hadashay xaalado muran dhaliyay.

Belle Silva ayaa hadda ka hor warbaahinta ka dhaleeceysay tababarihii hore ee Chelsea Graham Potter halka ay sidoo kale baraha bulshada ku xambaareysay weeraryahankii hore ee Blues Timo Werner.

Qoraalkeeda ugu danbeeyay ee ay ku dalbatay in Pochettino la ceyriyo waxaa si weyn u soo dhaweeyay taageerayaasha Chelsea oo quus ka taagan xaalada kooxooda ay ku jirto.

Ka hor guuldaradii 4-2 ee Wolves ka soo gaartay shalay oo Axad aheyd, Chelsea waxay sidoo kale guuldarro 4-1 kala kulantay Liverpool habeenkii Arbacada.

Guuldarradii shalay ayaa la micno ah in Chelsea oo in ka badan hal bilyan ginni qarashgareysay ay haatan ku jirto kaalinta 11aad ee Premier League iyagoo leh 31 dhibcood.

Kooxda Pochettino ayaa 20 dhibcood ka dnabeysa kooxda hogaanka heysa, waxayna 15 dhibcood u jiraan kaalinta afaraad oo ah booska ugu danbeeyay ee loogu soo baxayo Champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*