Waa Kuma Ciyaaryahankii Sababtii U Ahaa Guuldaradii Liverpool Ka Soo Gaartay Arsenal? Roy Keane Ayaa Magacaabay


Roy Keane iyo Jamie Carragher ayaa si wadajir ah u dhaleeceeyay daafaca Liverpool Virgil van Dijk, iyagoo ku eedeeyay inuu sabab u ahaa dhamaan seddexdii gool ee ay Arsenal ka dhalisay Liverpool kulankii shalay oo Axad ahaa ka dhacay Emirates Stadium

Kulan muhiim u ahaa tartanka horyaalka ayay Arsenal fursad u heshay inay goolka guusha ku dhaliso ka dib iska warqab la’aan dhexmartay Van Dijk iyo goolhaye Alisson taasoo u ogolaatay fursad sahlan weeraryahan Gabriel Martinelli.

Isagoo u hadlayay Sky Sports, Roy Keane ayaa si xun u dhaleeceeyay qaab ciyaareedka Van Dijk kaasoo halbowle u ahaa daafaca Liverpool muddo dheer.

Keane ayaa yiri: “Ma aamini kari sida ay u liiteen Liverpool bilowgii ilaa dhamaadkii ciyaarta, marka ay kubada heysteen iyo marka kubada laga heystayba.

“Amaanta waxaa iska leh Arsenal, way ismuujiyeen, wayna ka guul gaareen. Liverpool sida ay goolasha u dhiibteen waxa uu difaacooda ahaa ciyaal xaafadeed.

“Van Dijk ayaan ku eedeynayaan dhamaan seddexda gool. Ciyaar xun way soo mari kartaa dabcan laakiin ciyaar weyn ayuu seddex gool dhiibtay, natiijadaan way dhaawici doontaa dhamaadka xilli ciyaareedka”

Maxay kula tahay? Keane ma ku saxan yahay inuu Van Dijk ku eedeeyo guuldarrada Liverpool mise Arsenal ayaa ciyaar wanaageeda iyo awoodeeda ku garaacday Reds? Aragtidaada hoos ku soo qor.

1 Comment

  1. Shalay waxa dhacday ciyaar dhamaan dadku ku raaxaysteen horyaalkana weji kale uyeeshay shalay waa laga fiicnaa Liverpool arsenal waxay soo bandhigtay ciyaar aad wanaagsan wayna garaaceen Liverpool waxan umalaynaya inay man City aya arsenal umahadcelinayso mĂ adaama ay Liverpool u qabaty fursadna uhaystan inay hogaanka qabtan waan ka xumahay inay kooxdaydu xaalad xun kujirto shalyna wolves nagaraacday markle

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*