Klopp Oo Kaydka Dhigay TAA Iyo Robertson, Xilli Uu Pochettino Soo Qaddimay Hubkiisa Culus


Conor Baadley ayaa xajistay booska difaaca midig ee Liverpool waxaana kursiga kaydka kusoo bilowday Trent Alexander-Arnold oo taam ah isla markaana beddel kusoo galay ciyaartii FA Cup ee Norwich City ee horraantii toddobaadkan, halka Joe Gomez uu isaguna xajistay booskiisa difaaca bidix oo uu kaydka ku jiro Andy Robertson.

Liverpool oo garoonkeeda Anfield ku qaabbilaysa Chelsea, ayaa waxa weerarka ugu soo bilowday Luis Diaz, Diogio Jota iyo Darwin Nunez, halka khadka dhexe uu taam soo noqday Alexis Mac Allister oo kusoo garab bilowday Curtis Jones iyo Dominik Szoboszlai, iyadoo difaaca dhexena ay Van Dijk iyo Ibrahima Konate ka ciyaarayaan.

Chelsea waxa iyagana ugu soo bilowday Ben Chilwell oo waliba loo xidhay kabtannimada kooxda, waana beddelka kaliya ee uu sameeyey Mauricio Pochettino isaga oo kaydka u diray Alfie Gilchrist.

Christopher Nkunku iyo Malo Gusto oo kasoo kabtay dhaawacyo ayaa kusoo bilowday kursiga kaydka, iyadoo Nicolas Jackson oo xulkiisa Senegal uu ka hadhay koobka qaramada Afrika uu kahabsaamay ciyaartan.

Shaxaha rasmiga ah ee Liverpool vs Chelsea

Liverpool X: Alisson, Bradley, Konate, Van Dijk, Gomez, Jones, Mac Allister, Szoboszlai, Jota, Nunez, Diaz

Kaydka: Kelleher, Gakpo, Elliott, Robertson, Alexander-Arnold, Gravenberch, Clark, McConnell, Quansah

Chelsea XI: Petrovic; Disasi, Silva, Badiashile, Chilwell; Caicedo, Fernandez; Madueke, Gallagher, Sterling; Palmer.

Kaydka: Bergstrom, Gilchrist, Gusto, Casadei, Chukwuemeka, Mudryk, Washington, Nkunku, Broja.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*