“Boqorkii Wuu Soo Laabtay…” – Taageereyaasha Liverpool Oo Faraxsan Kaddib Qoraal Uga Yimid Salah


Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa faraxsan kaddib sawir uu Mohamed Salah soo dhigay bartiisa bulshada isaga oo tababarka ku qaadanaya garoonka kooxdiisa oo u muuqanaya inuu kasoo kabtay dhaawac kasoo gaadhay ciyaaraha tartanka Qaramada Afrika.

31 jirkan ayaan kasoo muuqanin garoomada tan iyo horraantii January oo uu safarka ku tegay dalkiisa Masar oo isku diyaarinayay tartanka qaramada Afrika.

Waxa uu dhaliyey gool, sidoo kalena caawiyey gool kale ciyaartii Mozambique, ka hor intii aanu beddel kaga bixin qaybta hore ee ciyaartii Ghana oo uu dhaawac muruqa ah kasoo gaadhay, waxaana uu dib ugu soo laabtay England isaga oo ka maqnaaday ciyaartii DR Congo ay rikoodheyaasha ku reebtay dalkiisa.

Dhaawaca ayaa la filayay inuu qaato dhawr usbuuc, laakiin maanta ayuu bartiisa bulshada soo dhigay sawir laga qaaday isaga oo tababarka ku qaadanaya oo garoonka kooxdiisa ee Kirkby, isaga oo kusoo dul-qoray farrin ahayd: “Shaqada soo-kabashadu way socotaa.”

Taageereyaasha Liverpool ayaa farxad kaga falceliyey, waxaanay filayaan in uu dib ugu soo laaban doono ciyaarta Arsenal ee Axadda.

Maqnaanshaha Salah ayaa dhibaato ku ah Liverpool oo uu 18 gool oo dhamaan tartamada ah u dhaliyey xilli-ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*