“Fadlan Noo Keena….!” – Ciyaartoyda Barcelona Oo Dalbaday Tababare Aan Ahayn Klopp Iyo Mikel Arteta


Ciyaartoiyda kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa dalbaday in loo keeno tababare ay iyagu doonayaan kaddib markii uu xalay Xavi Hernandez shaaciyey inuu ka tegi doono shaqada dhamaadka xilli-ciyaareedka.

Xavi Hernandez oo laba sannadood laylinayay Barcelona, isla markaana hirgeliyey isbeddello waaweyn oo qaarkood wanaag ahaayeen, kuwo kalena uga sii dareen xaaladda naadigiisa oo uu xilli-ciyaareedkii hore u qaaday horyaalka Spain ee LaLiga, ayaa go’aankiisa shaaciyey markii ay Villarreal oo marti u ahayd xalay 5-3 ku karbaashtay.

Joan Laporta iyo Deco ayaa ka arrinsanaya tababaraha ugu macquulsan ee ay heli karayaan ee ay ku beddelayaan Xavi Hernandez, waxaana aad loola xidhiidhinayaa Jurgen Klopp oo isaguna Jimcihii shaaciyey inuu ka tegi doono Liverpool dhamaadka xilli-ciyaareedkan.

Laakiin ciyaartoyda Barcelona ma doonayaan in loo keeno Jurgen Klopp, waxaanay dalbadeen macallin kale oo hore guulo u gaadhsiiyey kooxda, isla markaana ku dheggan falsafadda ciyaareed ee Tiki Taka, balse hadda koox weyn oo ku dheggan laylinaya.

Sida uu qoray wargeyska SPORT ee kasoo baxa waddanka Spain gaar ahaan magaalada Barcelona, ciyaartoyda Barcelona ayaa dalbaday in ay kooxdu ka shaqayso sidii uu kooxda ugu soo laaban lahaa Luis Enrique oo sannadkii 2015 u qaaday saddexda koob ee Champions League, LaLiga iyo Copa del Rey, laakiin sannad kaddib iska casilay markii ay kooxdiisa koob la’aani ku dhacday.

Enrique oo ah tababaraha PSG ee hadda waxa uu soo layliyey kooxdii Barcelona ee ay hormoodka u ahaayeen saddexda dilaa ee Lionel Messi, Neymar iyo Luis Enrique, sidoo kalena ay ku ladhnaayeen Sergio Busquets, Jordi Alba iyo Gerard Pique.

Su’aasha la isweydiinayo ayaa waxay tahay in Barcelona ay heli karayso Luis Enrique xilli-ciyaareedka dambe maadaama uu PSG u saxeexay heshiis soconaya illaa sannadka 2025, balse wargeyska SPORT waxa uu leeyahay haddii ay PSG meel fiican ka gaadhi weydo tartanka Champions League waxa suurtogal ah inay erido PSG.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*