Chelsea, Arsenal, Man United mise Real Madrid? Victor Osimhem Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo Xagaaga


Weeraryahanka reer Nigeria ee Victor Osimhen ayaa mar horeba go’aansaday kooxda uu tegayo kaddib markii ay kooxdiisa Napoli iyo isaguba xaqiijiyeen in xilli-ciyaareedkani uu yahay midkoodii iskugu dambeeyey oo ay isasii macasalaamayn doonaan xagaaga.

Napoli ayaa si cad u sheegtay, in Victor Osimhen uu ka tegi doono xagaaga soo socda oo ay iibin doonaan, maalin kaddib markii uu laacibkani sheegay in qorshihiisu uu yahay in xilli-ciyaareedkan socda uu si fiican ku dhamaysto.

Victor Osimhen oo Napoli ka caawiyey inay ku guuleysato horyaalka Talyaaniga xilli-ciyaareedkii tegay kaddib 33 sannadood oo ay ka qatanayd, isla markaana 32 ciyaarood ugu dhaliyey 26 gool oo horyaalka ah, ayaa waxa qandaraaskiisa lagu burburin karayaa inta u dhaxaysa £102 milyan oo Gini illaa £111 milyan oo Gini.

Si kastaba, laacibkan oo ay doonayaan kooxaha Chelsea, Arsenal iyo Manchester United oo horyaalka Ingiriiska ah iyo PSG iyo Real Madrid ayaa la sheegay inuu doortay kooxda uu ku biirayo marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda.

Wariyaha ciyaaraha Sascha Tavolieri oo xidhiidh dhow ay lahaayeen Victor Osimhen tan iyo xilli-ciyaareedkii 2018-19 oo uu laacibkani amaah ku joogay kooxda reer Belgium ee Charleroi, ayaa waxa uu sheegay, in Osimhem uu doonayo inuu tago Chelsea.

Blues oo uu warkani farxad u yahay maadaama ay raadinayaan dhaliye dabiici ah oo ay la daalaa-dhacayaan dhaliey la’aan, ayaa u aragta Osimhem inuu leeyahay sifooyinka halyeygii reer Ivory Coast ee Didier Drogba oo guulo badan gaadhsiiyey Blues.

Sababta uu Victor Osimhen u doortay Chelsea ayaa la sheegay inuu taageeri jiray Didier Drogba iyo Michael Essien markii uu carruurta ahaa, balse Chelsea waxay tartan adag kala kulmi doontaa naadiyada kale ee uu hungurigu ka hayo laacibkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*