Barcelona Oo Tababare Premier League Ah U Dooratay Beddelka Xavi Iyo Sababta Ay Uga Cadhoonayaan Taageereyaasha Liverpool


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa dooratay tababaraheeda cusub ee ay doonayaan inay ku beddelaan Xavi Hernandez oo xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka tegi doono Camp Nou marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda.

Xavi ayaa go’aankiisa shaaciyey markii ay kooxdiisu laba guul-darro oo xanuun badan oo isku xiga kala kulantay Athletic Bilbao iyo Villarreal oo si xun ugu karbaashay ciyaaro laga diiwaangeliyey rikoodh fadeexad ahaa.

Athletic Bilbao ayaa waxay Barcelona ku karbaashtay 4-2, waxaanay ka reebtay tartanka Carabao Cup, halka Villarreal ay xalay booqasho ugu tagtay Barcelona oo ay kusoo karbaashtay 5-3, iyadoo waliba laba gool oo kale ay VAR ka diidday kooxda martida ahayd ee Villarreal.

Tabababareyaal dhawr ah ayaa lala xidhiidhinayaa Barcelona, laakiin waxa boodhka sare ee maamulka kooxdu ay doonayaan in ay tababarahooda cusub ka dhigtaan Jurgen Klopp oo isaguna Jimcihii shaaciyey inuu iskaga tegi doono Liverpool oo sagaal sannadood uu joogay.

Inkasta oo Jurgen Klopp uu sheegay in xilli-ciyaareedka dambe uu nasasho geli doono oo aanu koox kale laylin doonin, haddana idaacadda RAC1 ee xarunteedu tahay Spain ayaa sheegaysa, in Joan Laporta iyo Deco ay tababarahooda cusub u calaamadsadeen Jurgen Klopp.

RAC1 waxay intaa ku dartay, in Laporta iyo Deco aanay doonaynin inay kooxda mar kale geliyaan tijaabo sidaa daraadeedna aanay u dhiibi doonin Rafa Marquez oo isaguna ku jira dadka la hadal-hayo, haddana ah macallinka kooxda da’yarta.

Si kastaba ha ahaatee, waxa kale oo Barcelona lala xidhiidhinayaa tababaraha kooxda Brighton ee Roberto de Zerbi oo lagu tilmaamo inuu ku dheelo qaab-ciyaareedka Barca ee kubbad isku-dhiibka ku sallaysan iyo Mikel Arteta oo ah tababaraha Arsenal oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Barcelona waqtigii uu ciyaartoyga ahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*