Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday war ka nixiyey taageereyaasheeda oo ah natiijada baadhitaanka dhaawac soo gaadhay difaaca bidix ee da’da yar ee Alejandro Balde, kaas oo lagu samayn doono qalliin.
War-saxaafadeed ay soo saartay Barcelona, ayaa lagu yidhi: “Baadhitaannadu waxay muujiyeen, in ciyaartoyaga kooxda koowaad ee Alejandro Balde uu dhaawac kasoo gaadhay muruqa bowdada ee lugta midig.
“Maalmaha soo socda ayuu geli doonaa qalliin uu ku samayn doono Dr. Lasse Lempainen, iyadoo ay kor-joogtaynayaan shaqaalaha caafimaadka ee kooxda, waxaana qalliinku uu ka dhici doonaa magaalada Turku ee waddanka Finland. Marka qalliinka la fuliyo kaddib ayaanu soo saari doonaa warbixin cusub.”
Alejandro Balde oo uu dhaawacu kasoo gaadhay ciayartii Copa del Rey ee ay Athletic Bilbao kaga reebtay tartanka, isla markaana garoonka ka baxay 20 daqiiqadood oo kaliya markii ay ciyaartu socotay, ayaa waxa uu garoomada ka maqnaan doonaa inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan oo dhan.
Xavi Hernandez oo ay marka horeba xaaladdu ku xumayd kooxdiisa, ayaa waxa ay warbaahinta Spain sheegtay, in Alejandro Balde aanu wax fursad ah u haysanin inuu dib ugu soo laabto garoomada inta ka hadhay xilli-ciyaareedka.
Be the first to comment