DEG-DEG: Van Dijk, Mohamed Salah Iyo Alexander-Arnold Oo Ka Tegaya Liverpool + Klopp Oo Qas Ka Abuuray Anfield


Maalin kaddib qumbuladdii uu tababare Jurgen Klopp ku tuuray Liverpool oo uu dhulka kaga gariiriyey go’aan adag oo aan laga filaynin oo ahaa inuu ka tegayo marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda, ayaa waxa kale oo soo baxaya go’aamo ay qaateen xiddigaha laf-dhabarta u ah Anfield ee Virgil van Dijk, Mohamed Salah iyo Trent Alexander-Arnold.

Klopp oo Jimcihii shaaciyey inuu tegayo sannad ka hor waqtiga uu dhamaanayo qandaraaskiisa Liverpool, ayaa waxa uu qas kasii abuuray Anfield, waxaana xaalad deggenaansho la’aan ah galay ciyaartoyda, taageereyaasha iyo maamulka intaba.

Tababaraha reer Germany oo Reds u qaaday Premier League, Champions League, FA Cup, Club World Cup iyo Carabao Cup, ayaa waxa dariiqiisa oo kale raacaya saddexda rukun ee Virgil van Dijk, Mohamed Salah iyo Trent Alexander-Arnold.

Saddexdan ciyaartoyba waxa qandaraasyadooda Liverpool ay ku egyihiin xagaaga sannadka 2025 oo ay ka hadhsan yihiin wax ka yar 18 bilood oo kaliya, waxaanay ku qasbi doonaan Reds in la iibiyo xagaaga foodda inagu soo haya, haddii kalena waxay sannad kaddib kaga tegi doonaan si xor ah.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa shaacisay, in saddexdan ciyaartoyba ay go’aankooda gaadheen waxyar kaddib markii ay maqleen warkii argagaxa lahaa ee Jurgen Klopp.

Mohamed Salah ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha horyaalka Sucuudiga oo loo badinayo inuu tegi lahaa xataa haddii uu Jurgen Klopp sii joogi lahaa Anfield.

Van Dijk oo sannadkii 2018 uu Jurgen Klopp kasoo bixiyey £75 milyan oo Gini, isla markaana rukun muhiim ah ka ahaa guulaha ay kooxdu gaadhay ayaan la sheegin halka uu tegayo, balse waxa loo badinayaa inuu tegi doono Sucuudiga, Maraykanka amaba uu dib ugu noqon doono waddakiisa Netherlands.

Alexander-Anrold oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Liverpool oo uu tababare Jurgen Klopp ku tilmaamay saxeexiisii ugu fiicnaa, ayaa waxa isagana lala xidhiidhinayaa kooxo ay hormood u tahay Real Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, waxa Liverpool ka tegaya oo raacaya tababare Jurgen Klopp gacan-yareyaashiisa Pep Lijnders, Peter Krawietz iyo Vitor Matos.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*