Xavi Hernandez Oo Diiday Inuu La Hadlo Ciyaartoydiisa Kaddib Guul-darradii Real Madrid


Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Xavi Hernandez ayaan la hadal ciyaartoyda kooxdiisa, tan iyo guul-darradii cuslayd ee ay kala kulmeen Real Madrid oo finalkii Spanish Super Cup ee Axaddii ku xasuuqday 4-1.

Ciyaartoyda kooxda ayaa la sheegay inay la yaabeen hadalladii tababare Xavi ee waqtigii nasashada ciyaartaas oo ay u arkayeen mid aan kooxda niyadda u dhisanaynin, sidoo kalena ciyaartoyda qaarkood ay ka cadhoodeen.

Markii ay ciyaartu dhamaatay ee qolka labbiska ay soo galeen, ayaa la filayay in Xavi uu ciyaartoydiisa la hadlo oo uu sameeyo falcelin, laakiin sida ay sheegtay idaacadda Cadena SER ee waddanka Spain, waxa afka xidhay Xavi Hernandez oo aan la hadal ciyaartoydiisa.

Waxa kale oo aan ciyaartoyda kooxda la hadal madaxweyne Joan Laporta oo isaga oo aan xataa ciyaartoyda arag dib ugu soo duulay Catalonia maalintii Isniinta, iyadoo ciyaartoyduna ay fasax ahaayeen Isniintii.

Gellinka dambe ee Salaasada maanta ayay ciyaartoyda Barcelona dib ugu soo noqonayaan tababarka, waxaana la filayaa in uu tababare Xavi Hernandez la hadlo oo uu falcelin ka sameeyo wixii dhacay Axaddii.

Xavi oo ammaan badan mutaystay xilli-ciyaareedkii hore oo uu Barcelona u qaaday horyaalka LaLiga iyo Spanish Super Cup, ayaa waxa xilli-ciyaareedkan saaran cadaadis badan iyagoo toddoba dhibcood ka dambeeya Real Madrid oo hoggaanka horyaalka haysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*