DEG-DEG: Premier League Oo Shaaciyey Waqtiga Go’aanka Laga Gaadhayo Man City Oo Dhibco Laga Jarayo


Madaxa horyaalka Premeir League ee Richard Masters ayaa shaaciyey waqtiga ay shaacin doonaan go’aamada iyo ganaaxyada ay ku ridayaan kooxda kubadda cagta Manchester City oo hore loogu helay inay 115 jer jabisay sharciga dhaqaalaha.

Manchester City ayaa hore uu Premier League ugu helay bishii February in sannado badan si badheedh ah u jabinaysay sharciga dhaqaalaha iyadoo xog qaldan iyo xisaabaad been-abuur ah u gudbinaysay maamulka.

Baadhitaannada ayaa sidoo kale lagu ogaaday in xaqiiqada maaliyadeed ee Man City iyo warbixinta ay ku samaynayeen xisaab-xidhku ay kala duwanaayeen.

Intii u dhaxaysay 2009 illaa 2018 ayay Manchester City ku tumanaysay sharciga dhaqaalaha, sidoo kalena waxay diidday oo ay ka hor timid inay la shaqayso baadheyaasha intii u dhaxaysay 2018 illaa 2023, sida uu Premier League sheegay bishii February.

Richard Master oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey inay go’aamiyeen waqtiga la dhegaysanayo kiiska Man City ee ay shaacin doonaan go’aamada ay ka qaateen, waxaanay warbaahinta waddanka Ingiriiska ee ciyaaruhu ay sheegayaan in Man City laga jari doono dhibco, sidoo kalena ay la kulmi doonaan ciqaab kala duwan.

Sidoo kale, waxa uu Richard Masters sheegay in ay wadaan baadhitaannada heshiisyadii ay Chelsea kula soo wareegtay Willian iyo Samuel Eto’o oo sannadkii 2013kii ay soo iibsadeen iyadoo waqtigaa uu kooxda mulkiile ka ahaa Roman Abramovich.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*