Gool-dhaliyaha Ay Calaamadsatay Man United, PSG Oo Saxeex Weyn Samaynaysa, Araujo Oo Ka Tegaya Barca Iyo Wararka Suuqa Ee Maant


Newcastle United ayaa iskaga hadhay doonisteedii khadka dhexe ee Manchester City ee Kalphin Phillips oo 28 jir ah, sababtoo ah Man City ayaa lacag badan ku xidhay in laacibkani uu amaah ku tago Newcastle. (Telegraph)

Paris Saint-Germain ayaa ka fiirsanaysa in ay u dhaqaaqdo saxeexa khadka dhexe ee Newcastle United iyo xulka Brazil ee Bruno Guimaraes oo ah 26 jir qandaraaskiisa lagu burburin karayo £100 milyan oo Gini. (Talksport)

Sir Jim Ratcliffe waxa uu doonayaa in kooxdiisa Manchester City ay la saxeexato weeraryahan dhexe oo ku fiican gool-dhalinta, waxaana uu halbeeg uga dhigtay Harry Kane oo uu xusay inuu sidiisa oo kale u ahaado dhaliye iyo kubbad-sameeye. (Standard)

Manchester United waxa suurtogal ah inay dalab ka gudbiso garabka weerarka England ee Michael Olise oo 22 jir ah xagaaa, iyaga oo Newcastle u badhigaya Aaron Wan-Bissaka iyo lacag. (ESPN)

Red Devils waxa ay sidoo kale Bayern Munich kula tartamaysaa difaaca Barcelona ee Ronald Araujo oo 23 jir ah. (Sky Sports)

Difaaca reer Netherlands ee Matthijs de Ligt oo 24 jir ah ayaan ku faraxsanayn kooxdiisa Bayern Munich, waxaana suurtogal ah inuu ka tago xagaaga. (Sky Sports Germany)

Khadka dhexe ee reer Portugal ee Renato Sanchez ayaa qarka u saaran inuu ka tago PSG bishan January, sababtoo ah ma doonayo inuu dib ugu laabto kooxdiisa oo uu hadda kaga maqan yahay amaah uu ku joogo Roma. (Fabrizio Romano)

Chelsea waxay xiisaynaysaa inay heshiis waqti kooban oo amaah ah kusoo qaadato weeraryahanka Aston Villa ee Jhon Duran oo ah 20 jir u dhashay waddanka Colombia. (Metro)

Blues waxay sidoo kale indhaha ku haysaa Karim Benzema oo u ciyaara kooxda Al-Ittihad iyo Roberto Firmino oo u dheela Al-Ahli oo labaduba waddanka Sucuudiga ka dhisan. (Goal_)

Chelsea waxa la filayaa in ay dalban doonto £35 milyan oo Gini haddii ay Borussia Dortmund isku daydo inay si rasmi ah ula saxeexato difaaca reer Netherlands ee Ian Maatsen. (Telegraph).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*