DEG-DEG: Tababare Weyn Oo Shaqada Laga Caydhiyey


Kooxda kubadda cagta AS Roma ayaa shaqada ka caydhisay tababaraheeda Jose Mourinho, kaddib guul-darrooyin xidhiidh ahaa oo ay soo hoynayeen kulamadii ugu dambeeyey iyadoo AC Milan ay toddobaadkan guul-darradii ugu dambaysay u xambaarisay oo ay 3-1 ku garaacday Axaddii.

Jose Mourinho oo saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey ahaa tababaraha AS Roma una qaaday koobkoodii ugu horreeyey ee ay ku guuleystaan muddo ka badan 20 sannadood ayaa maanta ka tegay kooxda.

War-saxaafadeed ay soo saartay Roma ayaa lagu sheegay in Jose Mourinho uu ka tegay kooxda oo ay u rajaynayaan wanaag, waxaana arrinta lagu soo koobay in dhinacyadu isla qaataan oo ay ku heshiiyeen inay soo afjaraan waqtigoodii wada-shaqaynta.

Friedkin oo ah mulkiilaha Roma ayaa qoraal uu soo saaray ku yidhi: “Wanaag ayaanu u rajaynaynaa Mourinho iyo cutubka xiga ee noloshiisa.”

Tababarahan hore ee kooxaha FC Porto, Chelsea, Inter Milan, Real Madrid, Manchester United iyo Tottenham ayaa Roma loo magacaabay bishii May 2021, waxyar kaddib markii uu ka tegay Tottenham waxaana xilli-ciyaareedkiisii koowaad uu u qaaday Europa Conference League.

Waxa kale oo uu xilli-ciyaareedkii hore keenay finalka Europa League oo lagaga guuleystay, laakiin xilli-ciyaareedkan ayaa uu hoos u dhac ku yimid oo ay kaalinta siddeedaad kaga jiraan horyaalka Serie A, halka tartanka Coppa Italia ay ka reebtay kooxda ay xafiiltamaan ee Lazio oo 1-0 ku garaacday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*