Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa lagu soo warramayaa in ay go’aan ka gaadhay qiimaha ay ku iibinayso difaaceeda laf-dhabarta ah ee Ronald Araujo oo ay xiisaynayaan kooxo waaweyn oo reer Yurub ah oo ay hormood u tahay Bayern Munich, taas oo qorshaheedu yahay insuuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ay kasoo qafaalato Camp Nou.
Tababaraha Bayern Munich ee Thomas Tuchel ayaa la sheegay inuu si weyn ula dhacsan yahay difaacan reer Uruguay oo uu doonayo inuu safkiisa ku xoojiyo.
Shaqsiyan ayaa uu Tuchel uga shaqaynayaa heshiiska Ronald Araujo, waxaana uu xidhiidh la samaynayaa laacibkan si uu ugu qanciyo inuu yimaaddo Allianz Arena.
Bayern Muncih ayaa waxa ay u qorshaysay iibka Ronald Araujo lacag dhan €70 milyan oo Euro sida ay warbaahinta Jarmalku sheegtay, laakiin Barcelona ayaa dhinaceeda waxa ay iibka laacibkan ku xidhi doontaa €100 milyan oo Euro.
Araujo ayaa kusoo biiray Barcelona sannadkii 2018 oo ay kasoo iibsatay kooxda Boston River, waxaana uu illaa hadda u saftay 129 ciyaarood, isaga oo kula guuleystay saddex koob.
Be the first to comment