Liverpool Oo Loo Diiday Inay Ciyaarsiiso Kulanka Arsenal Xiddig Uu Ku Xisaabtamayay Jurgen Klopp


Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la kulantay waji-gabax aanay filaynin, waxaana loo diiday inay ciyaarsiiso ciyaartoy ay dib uga soo celiyeen amaah oo uu Jurgen Klopp qorshaynayay inuu kusoo bilaabo kulanka Arsenal ee Axadda.

Liverpool oo ay aafeeyeen dhaawacyo tiro badan, siiba difaaca bidix oo ay iska raaceen Andy Robertson iyo Kostas Tsimikas, ayaa waxa kulamadii ugu dambeeyey booskaas ka ciyaarayay Joe Gomes, laakiin Klopp ayaa qorshaynayay inuu nasiyo ciyaarta wareegga saddexaad ee FA Cup.

Reds oo sidoo kale ay ka tageen Mohamed Salah iyo Wataru Endo oo ka qayb-gelaya tartamada qaramada Afrika iyo Asia ee bishan January, ayaa waxa haysata ciyaartooyo yaraan, waxaana ay toddobaadkan dib ugu yeedheen laacibka da’da yar ee difaaca bidix ee Owen Beck oo ku maqnaa kooxda Dundee FC.

Wargeyska The Athletic ayaa xaqiijiyey, in 21 jirkan aanu ciyaari doonin kulanka Arsenal, sababtoo ah waxa waxa uu kaadh qaatay ciyaartii ay kooxdiisa Dundee ee tartanka Scottish League Cup ee bishii July, waxaana uu waajahayey ganaax hal kulan oo tartankaas ah.

Xidhiidhka wada-shaqaynta ee ka dhaxeeya FA-ga Scotland iyo England oo ka wada tirsan UK, ayaa waxa uu dhigayaa in ciyaartoyga ganaax kaga qoran Scotland ama England kulan ka tirsan FA Cup aanu ciyaari doonin xataa haddii uu tago horyaalka dalka kale, waana sababta Owen BeckĀ  loogu diiday inuu ciyaaro kulanka Arsenal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*