Iyadoo suuqa iibka ciyaartoyda ee January uu furan yahay, waxa qiimayn lagu sameeyey ciyaaryahannadii ay kooxaha horyaalka Premier League la saxeexdeen xagaagii tegay ee lixda bilood kooxahooda bandhigga fiican ka sameeyey.
Waxa qiimayntani soo bandhigtay ciyaartoygii ugu wanaagsanaa ee ay koox walba la saxeexatay iyo waliba lacagtii ay kasoo bixisay.
Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa si shaki la’aan ah waxa ay qiimayntani ugu raacday taageereyaasha kooxdaas in saxeexoodii ugu fiicnaa ee ay sameeyeen xagaagii uu ahaa Declan Rice, kaas oo ay dadka qaarkood ku tilmaamaan ciyaartoyga ugu fiican horyaalka Premier League illaa hadda.
Rice ayay Arsenal kasoo bixisay £105 milyan oo Gini oo ay kagala soo wareegtay West Ham United, balse Liverpool ayaa sidoo kale saxeexoodii ugu fiicnaa uu noqday Dominik Szoboszlai oo £60 milyan oo Giniay kaga soo iibsatay RB Leipzig.
Saxeexyadii ugu fiicnaa ee Manchester United iyo Manchester City ayaa iyaguna ah Rasmus Hojlund iyo Jeremy Doku.
Waa kuwan saxeexyadii ugu fiicnaa koox kasta
- Arsenal – Declan Rice £105 million
- Aston Villa – Pau Torres – £33 million
- Bournemouth – Alex Scott – £25 million
- Brentford – Nathan Collins – £23 million
- Brighton – Joao Pedro – £30 million
- Burnley – Luca Koleosho – £2.5 million
- Chelsea – Cole Palmer – £42.5 million
- Crystal Palace – Jefferson Lerma – bilaash
- Everton – Jack Harrison – amaah
- Fulham – Alex Iwobi – £22 million
- Liverpool – Dominik Szoboszlai – £60 million
- Luton Town – Ross Barkley – bilaash
- Manchester City – Jeremy Doku – £55.5 million
- Manchester United – Rasmus Hojlund – £72 million
- Newcastle – Tino Livramento – £32 million
- Nottingham Forest – Anthony Elanga – £15 million
- Sheffield United – Cameron Archer – £18 million
- Tottenham – Guglielmo Vicario – £17.2 million
- West Ham – Mohammed Kudus – £38 million
- Wolves – Jean-Ricner Bellegarde – £12.9 million
Be the first to comment