YAAB: Xiddig Premier League Ah Oo Shaaciyey Inuu Musalafay Oo Aanu Wax Lacag Ah Haysanin


Xiddiga ka ciyaara horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa shaaciyey, in uu musalafay oo aanu haysanin wax lacag ah kaddib markii uu sheegay inay dhaceen qaladaad maamul.

Charlie Taylor oo khadka dhexe uga ciyaara kooxda horyaalka Premier League ee Burnley oo toddobaadkii mushahar u qaata £30,000 Gini, ayaa waxa uu sheegay in uu kacay oo aanu haysanin wax lacag ah, isla markaana uu iska bixin kari waayey lacago lagu lahaa oo ay ka mid yihiin masaariif iyo biilal laga doonayay.

30 jirkan ayaa waxa uu sheegay in ay dhaceen qaladaad sababay inuu bixiyo lacago laga doonayay, waxaana uu ku dooday in aanu arrintan u samaynin si badheedh ah.

Charlie Taylor oo hore ugu ciyaari jiray Leeds United, ayaa waxa uu hoos u dhigay hadallada sheegay hadallada sheegaya in uu galay xaalad adag oo dhaqaale, haddana uu iska bixiyey deymaha.

Maxkamadda sare ayaa waxa ay sheegtay in hadda ay soo xidhayso kiiskii laacibkan ee ahaa in uu musalafay, maadaama uu bixiyey lacagihii lagu lahaa.

Taylor ayaa waxa uu xilli-ciyaareedkan si joogto ah ugu soo bilaabanayay Burnley, waxaana uu kusoo bilowday 16 ka mid ah 20ka ciyaarood ee ay kooxda tababare Vincent Kompnay dheeshay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*