Barcelona Oo La Saxeexanaysa Mason Greenwood Oo Ay Manchester United Dayacday Iyo Ballanqaadyada Loo Sameeyey


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa doonaysa inay la saxeexato xiddiga ay dayacday Manchester United ee Mason Greenwood oo muddo sannad iyo dheeraad ah bannaanka ka joogay naadiga, ka hor intii aan amaah loogu dirin Getafe oo uu dib ugu dhisay xirfaddiisa kubadeed.

Mason Greenwood oo 22 jir ah ayay Manchester United ka saartay liiska ciyaartoydeeda February 2022 markaas oo lagu eedeeyey inuu gabbood-fallo u geystay gabadh ay saaxiibbo ahaayeen, laakiin maxkamadda oo ku weyday ayaa haddana waxa ay United go’aansatay in aanay kusoo celinin safkeeda.

Garabka midig ee reer England ayaa markii uu tegay Spain waxa uu bandhig heersare ah ka sameeyey horyaalka LaLiga isaga oo u dheelaya kooxda Getafe oo uu u dhaliyey shan gool, afar kalena ka caawiyey, taas oo keentay inay kooxdiisu soo gasho kaalinta 8aad ee miiska kala-sarraynta LaLiga.

Getafe ayaa doonaysa inay si rasmi ah ula saxeexato Mason Greenwood oo aanay dib ugu celinin Manchester United, laakiin Barcelona ayaa awood dhaqaale ku muquuninaysa, waxaanay diyaariyeen dalab £40 milyan oo Gini ah oo ay u gudbinayaan Manchester United si ay ugu qanciyaan iibka laacibkan dibed-joogga ka noqday.

Barcelona ayaa sidoo kale u bandhigtay Mason Greenwood in uu xidho lambarka caanka ah ee No.10 ee uu muddada dheer guulaha waaweyn kusoo hooyey Lionel Messi, kaas oo uu la haftay Ansu Fati oo loo xidhay.

Lionel Messi oo ka tegay Barcelona August 2021, ayaa waxa Fati oo lambarkan la wareegay uu awoodi waayey inuu kasoo baxo waxyaabihii laga filayay, waxaana bishii September amaah loogu diray Brighton oo uu ku dhaawacmay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*