Real Madrid ayaa samayn doonta isku-day cusub oo ah midkii ugu dambeeyey oo ay kula saxeexanayso weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo 25 jir ah. Waxa ay Los Blancos u qabatay in uu go’aankiisa caddeeyo illaa badhtamaha bisha January haddii uu doonayo inuu ku biiro Los Blancos xagaaga. (Athletic)
Real Madrid waxay Mbappe u diyaarisay mushahar £23 milyan oo Gini oo sannadkii ah iyo £110 milyan oo Gini oo ah lacagta xaqal-qalinka ee saxeexa heshiiska bilaasha uu ugu soo wareegayo. (Marca)
Arsenal ayaa qorshaynaysa inay u dhaqaaqdo saxeexa weeraryahanka reer Nigeria ee Victor Osimehm oo 25 jir ah bishan January, laakiin haddii ay waayaan waxa ay u jeedsan doonaan Victor Boniface oo u dheela xulka Nigeria iyo Bayer Leverkusen, Lautaro Martinez oo Inter Milan ah iyo Ivan Toney oo ay Brentford kaga dhegsan tahay. (Express)
Manchester City waxay ogolaatay dalab uga yimid Juventus oo lagaga doonayo khadka dhexe ee reer England ee Kalphin Phillips oo amaah ahaan ay ku doonayso Old Lady. (Times)
Chelsea waxay xiisaynaysaa 16 jirka difaaca reer Spain ee Pau Cubarsi oio u ciyaara da’yarta Barcelona. (Sport)
Manchester United waxay bartilmaameed ka dhiganaysaa weeraryahanka xulka Guinea iyo kooxda Stuttgart ee Serhou Guirassy oo 27 jir ah, kaas oo ay doonayaan inay safkooda kusoo xoojiyaan bisha January. (Football Insider)
Freburg, Lyon iyo Sevilla ayaa ku tartamaya xiddiga Manchester United uga ciyaara khadka dhexe ee Hannibal Mejbri oo ah 20 jir ay Red Devils go’aamisay inay amaah ku dirto. (Bild)
Barcelona ayaa doonaysa inay la saxeexato xiddiga Manchester United ee Mason Greenwood ee amaahda ugu maqan Getafe. Barcelona waxay u diyaarisay £40 milyan oo Gini. (Sun)
Juventus waxay diyaar u tahay in weeraryahanka Talyaaniga ah ee Moise Keane ay kaga beddelato Arsenal laacibka da’da yar ee Arsenal ee Charlie-Michel Patino oo amaah ugu maqan Swansea. (Tuttosport)
Crystal Palace ayaa la xidhiidhay Arsenal oo ay ka doonayso weeraryahanka reer England ee Eddie Nketiah oo 24 jir ah. (Mail)
Mikel Arteta ayaase kaliya doonaya in uu fasaxo Eddie Nketiah, Emile Smith Rowe iyo Aaron Ramsdale haddii dalabyo lacag badan ah laga soo gudbiyo. (Mirror)
Tottenham waxay doonaysaa inay la saxeexato difaaca kooxda Genoa ee Radu Dragusin oo ah 21 jir u dhashay waddanka Romania, balse waxay tartan adag kala kulmayaan Roma. (Telegraph)
Liverpool iyo Manchester United ayaa loo sheegay in aanu iib ahayn difaaca reer Portugal ee Antonio Silva bishan January. Benfca ayaa ka dhaaratay inay iibiso 20 jirkan. (90 min)
Be the first to comment