Iska Illow SADDEXDA Dhibcood! Liverpool Oo Xiddigo Muhiim Ah Ku Weyday Ciyaartii Tottenham Ee Laga Eexday


Kooxda kubadda cagta Liverpool oo guul-darro kala soo laabatay Tottenham maalintii Sabtidii, iyadoo Tottenham waqti dambe ku heshay saddexda dhibcood gool uu iska dhaliyey Joel Matip, iyadoo garsooraha ciyaartu uu qalad weyn ka galay Reds, ayaa waxa haddana u raacay in ay ciyaartooy ku weyday kulankaas.

Ciyaarta Brighton ee soo socota, Liverpool ayaa waxa ay waayi doontaa weeraryahanka reer Netherlands ee Cody Gakpo oo uu dhaawac kasoo gaadhay kulankii Sabtidii ee Tottenham.

Gakpo ayaa qaybtii hore ku dhaawacmay taakal uu kala kulmay difaaca bidix ee Destiny Udogie taas oo keentay in goolkii uu ciyaarta ku barbarreeyey ka hor waqtigii nasashada uu awoodi waayey in uu u dabbaal-dego.

Warbaahinta waddanka Netherlands ayaa sheegay in Cody Gakpo uu muddo dhawr toddobaad ah garoomada ka maqnaan doono, isla markaana aanu xulkiisa u ciyaari doonin kulamada isreeb-reebka Euro 2024 ee France iyo Greece ee badhtamaha bishan October.

Waxa kale oo uu Gakpo seegi doonaa ciyaarta adag ee Brighton iyo sidoo kale Europa League ee Union Saint-Gilloise ee dhamaadka usbuucan, balse waxa la sugayaa jawaabta ay hesho kooxdiisu.

Waxa kale oo Liverpool ay ciyaartii Tottenham ku weyday Curtis Jones oo casaan toos ah qaatay, isla markaana mutaysan doona ganaax saddex ciyaarood ah iyo Diogo Jota oo laba kaadh oo digniin ah oo casaan isku beddelay lagaga saaray ciyaarta labada daqiiqadood gudahood, kaas oo isaguna hal ciyaar ka maqnaan doon.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*