Real Madrid Oo Afduubatay Dheemankii Manchester United & Chelsea Ku Tartamayeen


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa kaga guuleysatay Manchester United iyo Chelsea dheeman reer Brazil ah oo Santiago Bernabeu kula soo biiri doona Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes marka si buuxda heshiiskiisa loogu dhawaaqo.

Real Madrid oo beddeshay qorshaheedii suuqa ee ahaa in ciyaartooyo waaweyn ay kasoo bixiso lacago badan, ayaa sannadihii tegay waxay la saxeexanaysay ciyaartooyo da’yar ah oo loo carbinayay mustaqbalka, waxaana da’yartaas ka mid ahaa Rodrygo iyo Vinicius, halka Camavinga, Bellingham iyo Fede Valverde ay iyagana ku heshay yaraan, inkasta oo Bellingham ay lacag badan kasoo bixisay.

Los Blancos oo sidoo kale uu usoo socdo Endrick oo reer Brazil ah oo ay xagaagii hore iibsatay, isla markaana la sugi doono inta ay da’diisu noqonayso 18 jir sannadka 2025, ayaa waxa la sheegay in ay hadda kooxaha horyaalka Premier League ee Manchester United iyo Chelsea ka hor qaadday Lorran.

Carlo Ancelotti ayaa door muhiim ah ka ciyaaray, in uu ku qanciyo da’yarka reer Brazil ee Lorran oo u dheela kooxda Flamengo, waxaana arrintan si aad ah uga shaqeeyey Juni Calafan oo ah gacanta midig ee Florentino Perez ee suuqa iibka ciyaartoyda.

Lorran oo ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan da’yarta ee ay indhuhu hayaan, ayaa sidii aanu hore idiinku soo gudbinay waxa Real Madrid kula tartamayay Man United iyo Chelsea, hase yeeshee Carlo Ancelotti oo la hadlay da’yarkan ayaa ogolaysiiyey inuu yimaaddo Santiago Bernabeu.

Lorran waa 17 jir kubbad-sameeye ah oo hibadiisu sarrayso, waxaana la filayaa in Los Blancos ay heshiiskiisa dhamaystiro ka hor inta aanu dhamaanin xilli-ciyaareedka horyaalka Brazil ee lasoo xidhayo dhamaadka bisha December.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*