Arsenal Oo Bisha January Laga Xoogayo Nketiah, Barca Oo Laga Afduubtay Xiddigii Uu Dalbaday Xavi, Pep Oo Calmaday Xiddig Real Madrid Ah Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Juventus ayaa doonaysa inay la saxeexato xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester City iyo xulka England ee Kalvin Phillips bisha January, iyadoo 28 jirkan uu boos joogto ah ka waayey Etihad Stadium. (Tuttosport)

Crystal Palace ayaa isku dayaysa inay Arsenal ka afduubato weeraryahanka reer England ee Eddie Nketiah oo 24 jir ah, kaas oo tababare Roy Hogdson uu saxeexiisa doonayo bisha January. (Football Transfers)

Wakiilka Jadon Sancho ayaa waxa uu isku dayayaa in uu dhamaystiro heshiis uu laacibkani dib ugu noqonayo Borussia Dortmund. (GMS)

Manchester United waxay xagaaga soo socda iska diri doontaa dersin ciyaartooyo ah, waxaana liiska xiddigaha ay doonayso inay la saxeexato ku jira difaaca Real Madrid iyo xulka Austria ee David Alaba oo 31 jir ah. (Fichajes)

Manchester City waxay go’aansatay in ay Real Madrid kula tartanto difaaca bidix ee Girona ee Miguel Gutierrez oo kasoo baxay kulliyadda Real Madrid. 22 jirkan oo bandhig heersare ah ka samaynaya garoomada ayaa waxa uu soo jiitay indhaha Pep Guardiola, laakiin Real Madrid ayaa waxa ay wali leedahay 50% mulkiyadda laacibkan. (MEN)

Khadka dhexe ee Tottenham iyo xulka Denmark ee Pierre-Emile Hojbjerg oo 28 jir ah ayaa la filayaa in uu ka dego Juventus suuqa bisha January ee foodda inagu soo haya. (Tuttosport)

Tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti waxa uu sheegay inay suurtogal tahay inay kooxdiisu la saxeexato difaac dhexe bisha January, kaddib dhaawac halis ah oo jilibka kasoo gaadhay David Alaba oo maqnaan doona inta ka hadhay xilli-ciyaareedka. (ESPN)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*