DEG-DEG: Murugada Saaka Hadhaysay Kevin De Bruyne Iyo Qoyskiisa – Maxaa Ku Dhacay?


Xiddiga kooxda kubadda cagta Manchester City ee Kevin De Bruyne ayaa saaka qabsaday warbaahinta maxalliga ah ee waddanka UK, waxaana dhacdooyin murugo leh laga soo tabinayaa guriga uu ku nool yahay laacibkan.

De Bruyne oo dhaawac kaga maqnaa Manchester City tan iyo bilowgii xilli-ciyaareedka, ayaa isaga oo ku jira xaalad soo kabasho ah waxa gurigiisa qasriga ah ee ku yaalla magaalada Manchester u dhacay budhcad hubaysan oo jabsatay, isla markaana galalaftay wixii guriga yaallay.

Booliska Greater Manchester Police ayaa gacanta ku haya baadhitaannada, hase yeeshee waxa la wariyey in Michele oo ah xaaska Kevin De Bruyne iyo saddexda carruurta ah ee ay isku dhaleen ay intuba dibedda ka joogeen markii guriga loo dhacay.

Guriga De Bruyne oo ku fadhiya dhul cabbirkiisu yahay 70 acres, ayaa waxa alaabooyinkii qiimaha lahaa, lacag, dahab iyo waxyaabo kale ka gurtay budhcadda oo la sheegay in ay guriga meel hoose kasoo galeen, illaa ay dabaqa sare gaadheen.

32 jirkan ayaa gurigan iibsaday sannadkii 2015 oo ahayd waqtigii ay Man City kasoo iibsatay Wolfsburg, waxaana ugu yaalla barkad lagu dabbaasho, garoon basketball, iyo meelo kale oo lagu jimicsato.

Wargeyska HLN ee kasoo baxa waddanka Belgium ayaa sheegay in waqtiga falkani dhacayay ay De Bruyne iyo qoyskiisu u baxeen dalxiis dhif ah, maadaama inta badan aanu laacibkani ka maqnaanin hoygiisa.

De Bruyne ayaa waqtiga uu falkani ka dhacay gurigiisa, waxa uu sidoo kale isku diyaarinayay inuu qayb ka noqdo safarka ay kooxdiisa Manchester City ku tegayso waddanka Sucuudiga oo ay kaga qayb-gelayaan tartanka FIFA Club World Cup.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*