Arsenal Oo Hoggaanka Premier League Kula Wareegtay Guul Ay U Qalmaysay Oo Ay Ka Gaadhay Brighton Iyo Wacdarihii Aston Villa


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa si ku-meelgaadh ah ula wareegtay hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib markii ay 2-0 ku garaacday Brighton oo marti ugu ahayd Emirates Stadium.

Laba gool oo ay qaybtii dambe kala dhaliyeen Gabriel Jesus iyo Kai Havertz ayaa Arsenal siiyey saddex dhibcood oo muhiim ah oo sabab u noqday in ay laba dhibcood dhaafaan Liverpool, sidoo kalena ay hal dhibic ka sarreeyaan Aston Villa oo booska labaad kusoo cidhiidhsatay guul waqti dambe ay ka gaadhay Brentford.

Arsenal ayaa iska lumisay fursado badan oo ay dersin goolal ah ku dhalin karaysay labadii qaybood ee ciyaarta, waxaana uu shabaqu diiday Martin Odegaard, Bukayo Saka iyo Declan Rice oo mid walba uu goolka la hrotegay kubbado goolal loo fishay oo uu goolhayuhu ka badbaadiyey ama ay difaacyahannadu isku dhigeen.

Daqiiqaddii 53aad ayaa uu Gabriel Jesus ciyaarta ku furay kubbad uu madax ku qabtay oo ahayd koorne uu soo tuuray Bukayo Saka, kaas oo markii hore halis geliyey goolka.

Waxay fursad kale oo uu hoggaanka kusii dheerayn karayay helay Declan Rice oo ay shaqaysay qaybta xaasidnimadu kaddib markii uu goolka la hor tegay kubbad uu u dhiibi karayay Nketiah balse uu damcay inuu ku diiwaangashado goolkiisii afraad ee uu Gunners u dhaliyo, taas oo uu goolhayaha Brighton ka diiday.

Kubbad qurux badan oo ay Brighton soo dhistay dhamaadka ciyaarta oo ay toban daqiiqadood ka hadhsan tahay ayaa ay iska lumisay Brighton waxaana birta dhinac mariyey Gross.

Kai Havertz ayaa kubbad uu Eddie Nketiah ugu tuuray dhinaca bidix waxa uu ula tegay goolhayaha Verbruggen oo noqday geesi garab waayey, waxaana uu xiddiga reer Germany kubadda u weydaariyey shabaqa dhamaadka ciyaarta oo ay ka hadhsan yihiin saddex daqiiqadood.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Arsenal oo yeelatay 39 dhibcood, waxaana ay hal dhibic ka horreysaa Aston Villa oo guul soo laabasho 2-1 ah ka gaadhay Brentford oo haysata 38 dhibcood, halka Liverpool ay usoo dhacday kaalinta saddexaad balse haddii ay ka guuleysato Man United ay hoggaanka dib u qabsan doonto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*