Jurgen Klopp Oo Aaminay Endo, Ten Hag Oo Soo Qaddimay Rashford Iyo Shaxaha Kulanka Liverpool vs Man United


Jurgen Klopp ayaa hal isbeddel ku sameeyey safkii uu guusha cidhiidhiga ah ee waqtiga dambe ah kaga soo gaadhay Crystal Palace toddobaadkii hore, waxaana kaliya uu keenay Ibrahima Konate oo difaaca dhxe kula midoobay Van Dijk, halka Erik ten Hag uu khadka dhexe keenay da’yarka Kobbie Mainoo.

Manchester United ayaa waxa ay kabtannimada u dhiibatay ciyaarta Liverpool xiddiga khadka dhexe ee Scott McTominay, maadaama uu maqan yahay Bruno Fernandes, waxaase imtixaan adag mari doona Kobbie Mainoo oo ay u tahay ciyaar weyn oo uu waajahayo, xilli ay kooxdiisu raadinayso inay soo afjarto rikoodhka xun ee ka yaalla Anfield.

Liverpool waxa weerarka ugus oo bilowday Mohamed Salah, Darwin Nunez iyo Luis Diaz oo ay khadka dhexe ka caawinayaan Gravenberch, Dominik Szoboszlai iyo Wataru Endo.

Manchester United ayaa waxa weerarka uga wada ciyaaraya Hojlund, Alejandro Garnacho iyo Antony oo ay khadka dhexe ka taageereyaan Scott McTominay, Sofyan Amrabat iyo Mainoo.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Liverpool XI: Alisson, Alexander-Arnold, Konate, Van Dijk, Tsimikas, Endo, Szoboszlai, Gravenberch, Salah, Nunez, Diaz.

Kaydka: Adrian, Kelleher, Gomez, Jones, Gakpo, Elliott, McConnell, Quansah, Bradley.

Man United XI: Onana, Dalot, Varane, Evans, Shaw, Mainoo, Amrabat, McTominay, Antony, Hojlund, Garnacho.

Kaydka: Bayindir, Kambwala, Reguilon, Wan-Bissaka, Gore, Hannibal, Pellistri, Van de Beek, Rashford.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*