ISBARBAR-DHIG: Min Shanta Kulan Ee Premier League Ee Kusoo Aadan Man City, Arsenal, Tottenham Iyo Liverpool – Midkee Xaaladdu Ku Adag Tahay?


Lixda kooxood ee ugu sarreeya horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa kaliya saddex dhibcood ay kala soocayaan, waxaanay u dhexeeyaan 18 dhibcood iyo 15 dhibcood, iyadoo min siddeed kulan la ciyaaray.

Toddobaadkan ayaa waxa dhacay kulamo natiijooyinkoodu ay ka baxsanaayeen wixii la saadaalinayey, waxaana la garaacay Manchester City iyo Liverpool oo ahaa kuwa kaliya ee aan dhinacooda dhulka la dhigin kulamadii hore ee horyaalka.

Man City oo hoggaanka haysa waxa 2-1 kusoo garaacday Wolves oo ay marti ugu noqdeen Molineux Stadium, sidoo kalena Liverpool ayaa khasaare kala soo laabatay safar ay ku tagtay London oo ay Tottenham shalay kaga soo adkaatay 2-1, inkasta oo natiijadaas ay hadheeyeen khilaafyo ka dhashay go’aamadii garsooreyaasha.

Arsenal ayaa ahayd kooxda weyn ee usbuucan guusha ugu weyn gaadhay, waxaanay 4-0 ku xasuuqday Bournemouth, hase yeeshee waxa aan la illoobi karin in Brighton oo hoggaanka la wareegi lahayd haddii ay guuleysato, ay la kulantay xasuuq 6-1 ah oo ay u geysatay Aston Villa, taas oo ahayd wax aanay cidina ku darin saadaashii usbuucan.

Manchester United ayaa kusii jirta murugada xilli-ciyaareedkan, waxaana shalay 1-0 ku garaacday Crystal Palace oo dhibacaha kaga qaadatay Old Trafford, halka Chelsea oo kaliya shan dhibcood ka haysata lix ciyaarood ay dheeli doonto maalinta Isniinta.

Haddaba halkan waxa aanu idiinku soo gudbinaynaa min shanta ciyaarood ee horyaalka Premier League ee kusoo waajahan afarta kooxood ee ugu sarreeya ee Manchester City, Tottenham, Arsenal iyo Liverpool, iyadoo Man City haysata 18 dhibcood, isla markaana ay min 17 dhibcood leeyihiin Tottenham iyo Arsenal, halka Liverpool ay 16 dhibcood fadhido.

Shanta ciyaarood kusoo waajahan Manchester City

Arsenal (Marti) – Axad, October 8

Brighton (Minan) – Sabti, October 21

Manchester United (Marti) – Axad, October 29

AFC Bournemouth (Minan) – Sabti, November 4

Chelsea (Marti) – Axad, November 12

Shanta ciyaarood kusoo waajahan Arsenal

Manchester City (Minan) – Axad, October 8

Chelsea (Marti) – Sabti, October 21

Sheffield United (Minan) – Sabti, October 28

Newcastle United (Marti) – Sabti, November 4

Burnley (Minan) – Sabti, 11 November

Shanta ciyaarood kusoo waajahan Tottenham

Luton (Marti) – Sabti, October 7

Fulham (minan) – Isniin, October 23

Crystal Palace (marti) – Jimce, October 27

Chelsea (minan) – Isniin, November 6

Wolves (marti) – Sabti, November 11

Shanta ciyaarood kusoo waajahan Liverpool

Brighton (marti) – Axad, October 8

Everton (minan) – Sabti, October 21

Nottingham Forest (minan) – Axad, October 29

Luton Town (marti) – Axad, November 5

Brentford (minan) – Axad, November 12

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*