Osimhem Oo Ka Degaya Premier League Bisha January, Arsenal Oo Lagu Qabsaday Xiddigii Ay Doonaysay, Heshiiska De Gea Oo Lagu Dhawaaqayo Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Chelsea ayaa bartilmaameedkeeda koowaad ee aasaasiga ah ka dhigatay weeraryahanka Napoli ee Victor Osimhem oo ay doonayaan inay la saxeexdaan bisha January, iyadoo 24 jirka reer Nigeria uu albaabada u furay inuu tago Stamford Bridge. (Telegraph)

Newcastle waxay si dhow ula socotaa xaaladda isasoo taraysa ee 23 jirka reer Brazil ee garabka weerarka uga ciyaara Atletico Madrid ee Samuel Lino. (Todo Fichajes)

Juventus waxay doonaysaa in bisha January ay la saxeexato khad dhexe, waxaana liiska gaaban ee xiddigaha ay doonayaan ku jira saddex ciyaartoy oo horyaalka Premier League ka dheela, waana Thomas Partey oo Arsenal u ciyaara, Kalvin Phillips oo Man City ah iyo Pierre-Emile Hojbjerg oo Tottenham u dheela. (Foot Mercato)

Juventus waxa kale oo ay doonaysaa garabka weerarka Manchester United iyo xulka England ee Jadon Sancho oo qorshahoodu yahay inay amaah ku qaataan bisha January. (Fichajes)

Manchester City ayaa ku qabsanaysa Arsenal xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil ee Douglas Luiz oo Gunners ay si weyn u doonayso. City ayaa sannadkii 2019 ka iibisay Douglas Luis kooxda Aston Villa. Waxa kale oo ay City doonaysaa Ruben Neves oo ah 26 jir u ciyaara Al-Hilal. (Football Insider)

Kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Ettifaq ayaa hoggaaminaysa tartanka loogu jiro goolhayaha Spain ee David De Gea, waxaanay qarka u saaran tahay inay la saxeexato bisha January. 33 jirkan ayaa koox la’aan ahaa tan iyo markii ay fasaxday Manchester United xagaagii. (Sun)

Leicester City iyo Preston ayaa doonaya in bisha January ay amaah kuq aataan difaaca da’da yar ee Liverpool ee Jarell Quansah. (Mirror)

Difaaca Chelsea ee Ian Maatsen oo 21 jir ah, ayaa loo ogolaan doonaa in uu amaah ku baxo bisha January, laakiin waa haddii uu Blues u saxeexo heshiis cusub oo waqti dheer ah. (Football Insider)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*