Maxay Sameeyeen Ciyaartoyda Arsenal Markii Ay Barbarraha Galeen Manchester City Iyo Liverpool?


Xiddiga Arsenal ee Bukayo Saka ayaa daboolka ka qaaday wixii uu u sheegay ciyaartoyda kooxdiisa kaddib barbarrihii 1-1 ahaa ee ay Sabtidii wada galeen Manchester City iyo Liverpool, ka hor intii aanay Gunners 1-0 ku garaacin Brentford ee aanay la wareegin horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa ka faa’iidaysatay fursadda ay ka heshay dhibcaha ay lumiyeen City iyo Liverpool, waxaanay hoggaanka kula wareegtay hal dhibic.

Trent Alexander-Arnold ayaa keenay goolka barbarraha Liverpool dhamaadka ciyaarta oo ay toban daqiiqadood ka hadhsan tahay, iyadoo Erling Haaland uu hoggaanka u dhiibay Man City qaybtii hore.

Arsenal ayaa dhinaceeda waxa guusha ku hoggaamiyey Kai Havertz oo kursiga kaydka uga soo kacay si uu u dhaliyo goolka libinta siiyey oo ay keeneen daqiiqaddii 89aad, iyadoo difaacuna ay dedaal badan muujiyeen oo ay joojiyeen kubbado badan oo halis ahaa.

Bukayo Saka oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay, in natiijada Man City iyo Liverpool ay soo baxday ka hor intii aanay bilaabmin ciyaartoodii ay dhibcaha kaga qaateen Brentford, taasina siisay dhiirigelin ay ugu dagaallamaan inay kula wareegaan hoggaanka horyaalka Premier League.

“Haa, waan daawaday ciyaartii Man City iyo Liverpool, waxay ahayd ciyaar tayadeedu sarrayso oo ku dhamaatay barbarro annaga noo ahayd natiijo fiican.” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay Bukayo Saka.

Waxa uu intaa kusii daray: “Dhamaantayo waanu sii ogeyn, ciyaartoydayaduna way ka hadleen in aanu haysano fursad aanu kula wareegno hoggaanka, in aanu sidaa samaynana waanu ku faraxsanahay.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*