Lisandro Martinez Oo Mindida Loo Qaadanayo Iyo Muddada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lagaga niyey war aanu jeclaysanin Erik ten Hag oo sheegaya in ay qasab tahay in qalliin labaad lagu sameeyo difaaca reer Argentina ee Lisandro Martinez, si uu si buuxda ugaga soo kaban karo dhaawac lugta ah.

Lisandro Martinez ayaa uu dhaawac soo gaadhay bishii April ee dhamaadka xilli-ciyaareedkii hore, waxaana uu sii ciyaarayay isaga oo aan si buuxda taam u ahayn, sida ay kooxdu ku sheegtay war-saxaafadeed ay maalin ka hor soo saartay.

Red Devils waxa ay kaliya xaqiijisay, in Lisandro Martinez uu muddo ka maqnaan doono garoomada, isla markaana ay xaaladdiisa qiimayn doonaan, hase yeeshee warbaahinta Ingiriiska yaaa ku warramaysa in ay qasab tahay in lagu sameeyo qalliin kale oo isla halkii hore looga qalay ah.

Telefishanka Sky Sports ayaa sheegay, in Lisandro Martinez uu u baahan yahay qalliin lugta si uu uga soo kaban karo dhaawaca, balse waxa uu garoomada ka maqnaan doonaa uguyaraan laba bilood.

Tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag oo ka hadlayay shirkiisii jaraa’id ee ka hor ciyaarta galabta ee Crystal Palace, ayaa waxa uu sheegay in aanu hubin waqtiga uu Lisandro Martinez kusoo laabanayo garoomada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*