Real Madrid Oo Bisha January Afduubanaysa Weeraryahan Ay Raadinaysay Barcelona


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa geli doonta suuqa iibka ciyaartoyda bisha January, waxaanay la saxeexan doonaan xiddig u calaamadsan Barcelona oo uu Xavi Hernandez doonayay in uu ku kordhiyo safkiisa.

Los Blancos oo ay weeraryahanno yaraan ku dhacday markii uu ka tegay Karim Benzema, sidoo kalena ay goolashu dafireen Rodrygo, halka Vinicius Junior ay dhaawacyo ragaadiyeen, ayaa waxay go’aansatay in ay suuqa dib ugu laabtaan oo ay weeraryahan dhexe la saxeexdaan.

Sida uu qoray wargeyska Todofichajes, Carlo Ancelotti ayaa waxa uu dalbaday weeraryahan dhexe maadaama goolasha ay kooxdiisu dhalinaysay xilli-ciyaareedkan ay 90% ka yimaaddeen khadka dhexe, gaar ahaan Jude Bellingham, Fede Valverde iyo Toni Kroos.

Warka ayaa intaa ku daray, in Ancelotti uu doonayo in Santiago Bernabeu uu kusoo dhoweeyo xiddigga kooxda Athletic Bilbao ee Nico Williams oo sidoo kalena u ciyaara xulka qaranka Spain, si uu ugu xoojiyo weerarkiisa maadaama ay kooxdiisu ku jirto tartamo badan, sidoo kalena ay jiraan ciyaaraha caalamiga ah oo garab soconaya oo ay qasab tahay in loo diyaar-garoobo xaalad dhaawacyo ah.

Madrid oo ay ka tageen Karim Benzema, Eden Hazard iyo Marco Asensio xagaagii, ayaa waxa kaliya oo ay safkeeda kusoo kordhisay Joselu oo ay amaah kaga soo qaateen Osasuna iyo Brahim Diaz oo ay dib uga soo ceshadeen AC Milan.

Williams ayaa la sheegay in qandaraaskiisa Athletic Bilbao uu ku jiro qodob dhigaya in marka la gaadho bisha January, lagu iibsan karayo €50 milyan oo Euro oo ay Real Madrid qorshaynayso inay bixiso, inkasta oo Bilbao ay isku dayi doonto inay sii xajisato illaa dhamaadka xilli-ciyaareedka.

Bishii August ayay soo baxeen wararka sheegaya in Williams uu doonayo inuu iskaga tago San Mames oo xilli-ciyaareedkii hore 43 kulan oo uu saftay uu u dhaliyey sagaal gool, lix kalena caawiye ka noqday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*