Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Muaricio Pochettino ayaa calaamadsaday ciyaartoyda uu kusoo kordhinayo safkiisa marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, waxaana uu miiska maamulka saaray Ivan Toney iyo Victor Osimhem.
Chelsea oo kaalinta 14aad kaga jirta horyaalka Premier League, isla markaana shal mar oo kaliya guuleysatay lixdii ciyaarood ee ugu horreeyey xilli-ciyaareedkan, ayaa uu Todd Boehly ku kabi doonaa saxeexyo cusub.
Sagaal ciyaartoy oo ay saxaagii tegay soo iibsatay Chelsea ayaa ka badbaadin kari waayey in ay hoos usii quusto miiska kala-sarraynta Premier League oo xilli-ciyaareedkii horena ay kaalinta 12aad kaga dhamaysatay, iyadoo si dhab ah ay tusaale ugu noqotay in haddii aan lacagta si xikmadaysan loo isticmaalin in aanay guul keenayn.
Saxaafadda Ingiriiska ayaa ku warramaysa, in Pochettino uu liiska bartilmaameedkiisa bisha January ku darsaday oo uu waliba hormood uga dhigay Toney iyo Osmhem oo xaalado aan fiicnayn kaga jira kooxahooda Brentford iyo Naoli.
Ivan Toney oo bisha January kasoo laabanaya ganaax siddeed bilood ahaa oo laga saaray garoomada markii lagu helay inuu khamaar sameeyey, ayaa waxa qiimihiisa lagu sheegay £80 milyan oo Gini, halka Napoli iyo Osimhen ay isla gelyaaan maxkamad.
Weeraryahanka reer Nigeria ee Osimhem ayaa waxa uu ka cadhooday muuqaal ay kooxdiisu ku maasanayso oo lagu baahiyey barta naadigaas uu ku leeyahay TikTok, taas oo keentay in uu barihihiisa bulshda ka saaro dhamaan sawirradii uu xidhnaa garanka Napoli iyo tilmaan kasta oo muujinaysay inuu ka tirsan yahay kooxdaas.
Inkasta oo Napoli ay soo saartay war-saxaafadeed ay raalligelin ku siinayso Victor Osimhem, haddana waxa uu wakiilka laacibkani sheegay in ay ka fiirsanayaan in ay dacwad ka gudbiyaan oo ay maxkamadda la galaan, taas oo sii murgin karta xidhiidhka labada dhinac.
Be the first to comment