Wolves, West Ham, Everton iyo AC Milan ayaa ku dagaallamaya saxeexa 1 jirka PSG ee Hugo Ekitike oo u dhashay waddanka Faransiiska. (L’Euqipe)
Xiddiga England ee Emile Smith Rowe oo 23 jir ah ayaa ka fiirsanaya inuu ka tago Arsenal bisha January, haddii inta ka horreysa la siin waayo boos joogto ah. (90 min)
Newcastle United waxay kusoo biirtay tartanka Arsenal, Tottenham, Manchester United iyo Chelsea ay ugu jiraan saxeexa weeraryahanka reer England ee Ivan Toney oo ay ka go’an tahay in uu ka tago Brentford bisha January. (i)
Manchester City iyo Chelsea waxay doonayaan difaaca bidix ee Inter Milan iyo xulka Talyaaniga ee Federico Dimarco. (Calciomercato)
Chelsea waxay ku rajo weyn tahay, in difaaca reer Netherlands ee Ian Maatsen oo 21 jir ah uu saxeexi doono heshiis cusub oo waqti dher ah. (Football Insider)
Mauricio Pochettino waxa uu sheegay in uu u baahan yahay in uu saamayn badan ku yeesho go’aamada iibka ciyaartoyda ee kooxda. (Guardian)
Tiro kooxo ah oo ay ku jiraan Manchester United, Liverpool, Brighton, West Ham, Barcelona iyo Ajax ayaa dhamaantood ku raad-jooga kubbad-sameeyaha kooxda Royal Antwerp ee Athur Vermeeren oo ah 18 jir u dhashay waddanka Belgium. (Mundo Deportivo)
Manchester United ayaa xiisaynaysa 23 jirka difaaca reer France ee Jean-Clair Todiobo oo u ciyaara Nice. Waxa kale oo uu Ten Hag indhaha ku hayaa Edmond Tapsoba oo ah 24 jir reer Burkina Faso ah oo u dheela Bayer Leverkusen. (Fabrizio Romano)
Madaxweynaha PSG ee Nassr Al-Kelaifi ayaa sheegay, in uu kalsooni ku qabo in Kylian Mbappe uu sii joogayo kooxdaas, inkasta oo qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan. (FourFourTwo)
Barcelona waxay u dhowdahay inay heshiis cusub ka saxeexdo kubbad-sameeyaha reer Netherlands ee Frenkie de Jong oo bartilmaameed u ah Manchester United. (Fichajes)
Lautaro Martinez oo 26 jir ah, ayaa u sheegay kooxdiisa in aanu ka tegayn inkasta oo uu dalabyo ka haysto kooxo badan. Waxa uu qorshihiisu yahay in uu heshiis cusub saxeexo. (Football Italia)
Difaaca reer Germany ee Jerome Boateng oo 35 jir ah, waxay telefoon ku wada hadleen madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez oo u bandhigay heshiis uu kaga mid noqdo Los Blancos marka uu dhamaado qandaraaskiisa Lyon. (Bild)
Be the first to comment