SHAN Ciyaartoy Oo Muhiim Ah Oo Arsenal Ka Maqnaanaya Iyo Labada Uu Shakigu Ku Jiro Kulanka Brentford


Mikel Arteta ayaa xaqiijiyey, in uu dib ugu soo laabtay kooxdiisa weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus oo uu qayb ka noqon doono ciyaarta Sabtida ay booqanayaan Bretnford, laakiin waxa uu shaki geliyey taam ahaanshaha Martin Odegaard iyo Ben White.

Jesus oo dhaawac muruqa ah kaga maqnaa shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Arsenal, ayaa waxa uu u ciyaaray xulka qaranka Brazil kulankii Argentina, waxaana uu dib ugu soo laabtay kooxdiisa isaga oo taam ah.

Tababare Mikel Arteta oo warbaahinta la hadlayay Jimcihii maanta ayaa sheegay, in 26 jirka reer Brazil uu taam yahay oo uu hoggaamin doono weerarka kooxdiisa ciyaarta galbeedka London, waxaanu yidhi: “Waa uu fiican yahay, waana diyaar. Waxa uu ciyaaray 96/97 daqiiqadood oo ciyaar adag oo tartan ah. Waxa aanu leenahay tababar kale, waxay soo galeen safar duullimaad oo dheer, waxaanan eegi doonaa xaaladda ciyaartoy kasta ka hor inta aanan xulanin shaxda.”

Ugu yaraan shan ciyaartoy ayaa Arsenal ka maqnaanaya kulanka Sabtida ee Brentford, waxaana ka mid ah Fabio Vieira oo casaan toos ah la siiyey ciyaartyii Burnley ee laba usbuuc ka hor, David Raya oo aan loo ogolayn inuu ka hor tago kooxdiisii hore ee ay Gunners amaahda kaga soo qaadatay bishii August ee Brentford, Thomas Partey oo illaa sannadka cusub jiifaya, Jurrien Timber oo xilli-ciyaareedka oo dhan maqnaanaya iyo Emile Smith Rowe oo aan wali kasoo kabanin dhaawac jilibka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*