Harry Kane Oo Caawa Jabinaya Rikoodh Taariikhi Ah Oo U Yaallay Bayern Munich


Weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa caawa jabin doona rikoodh kale oo taariikhi ah oo u yaallay kooxdiisa Bayern Munich haddii uu shabaqa soo taabto kulanka ay Bavaria waajahayso Koln.

Jamaahiirta Bayern Munich ayaa usoo buuxin doona aroonka, si ay laacibkan ula xusaan taariikhda uu samaynayo isla markaana kooxdooda ugu garab istaagaan in ay guul gaadho.

30 jirkan reer England oo Bayern Munich ay xagaagii kaga soo iibsatay Tottenham Hotspur lacag dhan £86 milyan oo Gini, ayaa waxa uu dhaliyey 21 gool iyo toddoba kale oo uu caawiye ka noqday, waxaana uu ku jiraa qaab-ciyaareedkiisii ugu fiicnaa intii uu ciyaarayay kubadda cagta.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Bundesliga ayaa uu dhamaantood goolal dhaliyey, waxaana uu jabiyey rikoodho badan oo uu uu horreeyey in uu noqday ciyaartoygii koowaad ee saddexlay ka dhaliya kulanka lagu magacaabo Klassiker ee Bayern Munich vs Borussia Dortmund.

Waxa kale oo uu min saddex gool ka dhaliyey Bochum iyo Darmstadrt, taas oo ka dhigan in uu yahay ciyaartoygii ugu horreeyey ee saddex jeer dhaliya min saddex gool xilli-ciyaareedkiisa koowaad.

Haddii uu caawa soo taabto shabaqa kooxda Koln, waxa uu Harry Kane noqon doonaa ciayartoygii ugu horreeyey ee toddoba ciyaarood oo isku xigta oo horyaalka Bundesliga ah goolal ka dhaliya xilli-ciyaareedkiisa koowaad, waana taariikh kale oo uu samaynaya.

Sida uu qoray wargeyska Kicker ee kasoo baxa waddanka Germany, Bayern Munich ayaa waxay daabacday in ka badan 100,000 garan oo uu ku qoran yahay magaca Harry Kane oo loogu talo-galay in la iibiyo maalinta Ciidda Masiixiga, iyadoo uu durba laacibkan noqday ciyaartoyga kooxdiisa ee loogu iibsiga badan yahay garamadiisa.

Wargeyska Bild ayaa qoray, in haddii uu Harry Kane u dhaliyo Bayern Munich 40 gool oo dhamaan tartamada ah xilli-ciyaareedkan, in uu heli doono €250,000 Euro oo gunno ah, sida uu dhigayay heshiiskii uu la galay kooxdan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*