Mohamed Salah Oo Kulanka Man City Loo Diiwaangelinayo Rikoodh Ay Ciyaartoyda Liverpool Awoodi Waayeen Muddo 36 Sannadood Ah


Weeraryahanka Liveprool ee Mohamed Salah waxa uu Sabtida diiwaanka gashan doonaa rikoodh cajiib ah oo aanu muddo 36 sannadood ah Manchester City ka gaadhin ciyaartoy Liverpool ah, balse waa haddii ay Citizens u ogolaadaan in uu shabaqooda soo taabto.

Mohamed Salah oo garoonka lagu soo weeraray ciyaartii xulkiisa Masar iyo Sierra Leone oo ay rabshad ka dhacday, sidoo kalena ku goolal tirsaday Djibouti, ayaa dib ugu soo noqday kooxdiisa Liverpool oo uu tababarka la qaatay Khamiistii iyo Jimcihiiba.

Salah ayaa xilli-ciyaareedkan socda waxa uu dhaliyey 10 gool oo horyaalka Premier League ah, waxaana laba ka mid ah uu shabaqa taabsiiyey ciyaartii Brentford ay 3-0 ku karbaasheen bilowgii bishan.

31 jirkan ayaa wax walba u samayn doona sidii uu goolal u dhalin lahaa ciyaarta Sabtida ay martida u noqonayaan Manchester City, taas oo haddii ay dhacdo uu dhigi doono rikoodh muddo 36 sannadood ah aanu samaynin ciyaartoy Liverpool ah.

Mohamed Salah ayaa waxa uu u baahan yahay laba gool oo kaliya si uu u buuxsado tirada 200 gool oo Liverpool uu u dhaliyey, waxaana uu noqon doonaa ciyaartoygii shanaad ee taariikhda Liverpool u dhaliya 200 gool.

Xiddigihii waaweynaa ee Liverpool ee Kenny Dalglish, Steven Gerrard, Robbie Fowler, Michael Owen, Ian St John iyo Kevin Keegan ayaa dhamaantood ku fashilmay inay gaadhaan tirada 200 gool, waxaana ciyaartoygii ugu dambeeyey ee tiradaas gaadha uu ahaa Ian Rush oo sannadkii 1987kii gool ka dhaliyey QPR oo uu goolhaye u ahaa David Seaman oo markii dambe u wareegay Arsenal, waxaana waqtigaas laga joogaa 36 sannadood.

Mohamed Salah waxa uu hadda haystaa 198 gool oo uu ku dhaliyey 321 ciyaarood oo uu u saftay, taas oo ka dhigan in labadii ciyaaroodba uu dhaliyey gool iyo dheeraad.

Waxa kale oo uu Mohamed Salah laf dhuungashay ku noqday tababare Pep Guardiola oo 19 ciyaarood oo uu ka hor tegay kooxihiisa uu ka dhaliyey 11 gool. Xilli-ciyaareedkii hore, waxa uu Salah ka dhaliyey City afar gool isaga oo shabaqooda soo taabtay kulamadii Community Shield, labadii ciyaarood ee horyaalka iyo sidoo kale Carabao Cup oo ay isku dhaceen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*