Emile Smith Rowe Oo Go’aankii Ugu Adkaa Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa & Waqtigiisii Emirates Stadium Oo Soo Dhamaaday


Xiddiga reer England ee Emile Smith Rowe ayaa ka fiirsanaya in uu iskaga tago kooxdiisa Arsenal, kaddib markii uu tababare Mikel Arteta ku ciilay kursiga kaydka ee uu ka doorbiday laacibiin kale, isla markaana xataa beddelka kusoo dari waayo mararka qaarkood.

Emile Smith Rowe ayaa la sheegay in uu qorshaynayo inuu iskaga tago Emirates Stadium bisha January ee foodda inagu soo haysa oo uu raadsado koox kale oo uu boos joogto ah ka heli karayo.

23 jirkan oo Arbacadii kusoo bilowday ciyaartiisii koowaad muddo 499 maalmood ah, isla markaana ciyaaray kulankii Carbaao Cup, ayaa waxa uu isugeyn xilli-ciyaareedkan dheelay 106 daqiiqadood, waana wax aan ka badnayn hal ciyaar.

Emile Smith Rowe oo ay aad u jecel yihiin taageereyaasha kooxdiisu, isla markaana xilli-ciyaareedkii 2021/22 u dhaliyey toban, laba kalena caawiyey 33 ciyaarood oo Premier League ah oo uu u saftay, ayaa waxa horumarkiisa ciyaareed ragaadiyey dhaawacyo inta badan uu u jiifay xilli-ciyaareedkii tegay, waxaana booskiisa la wareegay Gabriel Martinelli.

Qorshaha laacibkan ayaa ah in uu boos ku yeesho xulka qaranka England ee ciyaaraya tartanka Euro 2024, waxaana si uu taas u hirgeliyo uu doonayaa in uu ka tago Arsenal oo uu u wareego koox kale oo fursad fiican siin karaysa, waxaana la sheegay in ay xiisaynayaan kooxaha Aston Villa, Brighton iyo Newcastle.

Emile Smith Rowe oo qandaraaskiisa Arsenal uus coonayo ilaa sannadka 2026, ayaa waxa la sheegay in Gunners ay ogolaan doonto inay amaah ku dirto, halkii ay si rasmi ah uga iibin lahaayeen, iyadoo mara rhorena loogu diray amaah, gaar ahaan sannadkii 2019 oo uu u wareegay kooxda RB Leipzig oo uu saddex ciyaarood oo kaliya u saftay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*